Ramos, Benzema, Kroos, Mise….? Xiddig Actual Madrid Ah Oo Garoonka

Garoonka tababarka Actual Madrid ayaa jawi aan fiicnayn uu ka jiray maanta kaddib markii uu mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn, uguna waqtiga dheer uu garoonka dhexdiisa ku dhowaaday in uu kula dagaallamo tababarihiisa Zinedine Zidane.

Los Blancos ayaa maanta Valdebebas ku qaadatay tababarkii ugu dambeeyey ee ay iskugu diyaarinayso kulanka muhiimka u ah xilli ciyaareedkooda ee ay Khamiista berri la ciyaari doonaan Granada, kaas oo ay u baahan yihiin guul si ay ugu jii jiri karaan tartanka horyaalka.

Iyadoo ay kooxda dhaawac kaga maqan yihiin inta badan difaacyahannada muhiimka ah, sida Sergio Ramos, Lucas Vazquez, Dani Carvajal, Ferland Mendy iyo Raphael Varane oo dhamaantood seegaya kulankan, waxa uu Zidane go’aamiyey in uu liiska kooxdiisa ka saaro difaaca bidix ee reer Brazil ee Marcelo.

Laacibkan ayaa maanta garoonka dhexdiisa kula murmay Zidane, isla markaana hadallo taag-taagan kala hor yimid.

Marcelo oo xilli ciyaareedkan aan ahayn xulashada koowaad ee Zinedine Zidane oo saluugay heerka tayadiisa ee difaaca, ayaa waxa la filayay in uu kulanka habeen dambe ka ciyaaro difaaca bidix, laakiin falka uu ku kacay ayaa laga yaabaa in uu soo afjaro waayihiisa Los Blancos.

Marka la isku-geeyo tirada daqiiqadaha uu saftay xilli ciyaareedkan, Marcelo ayaa xisaab ahaan kaliya ciyaaray 15 kulan, waxaana uu kaydka ugu jira Ferland Mendy oo hadda dhaawac ku maqan.

Laacibkan ayaa isku arkaya in uu yahay ruug-caddaaga kaliya ee ku dhibban kooxda, halka ciyaartoydii kale ee waqtigiisa ahaa oo uu kaliya ka joogo Sergio Ramos ay mudnaan iyo tixgelin leeyihiin.

Zinedine Zidane ayaa lavatory badinayaa in xilli ciyaareedka dambe aanu sii ahaan doonin tababaraha Actual Madrid, ciyaartoyduna ay ogsoon yihiin in uu bixi doono.

Yaa beddelaya Marcelo?

Zinedine Zidane ayaa u yeedhay laacibka kooxda da’yarta ka tirsan ee Miguel Gutierrez oo kulankii Sevilla daqiiqadihii ugu dambeeyey lasoo geliyey.

Maadaama uu maqan yahay Ferland Mendy, Gutierrez oo ay da’diisu tahay 19 jir ayaa ciyaari doona kulanka Granada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More