Qorshihii Lixda Kooxood Ee Waaweyn Ee Ahaa In La
Lixda kooxood ee waaweyn ee horyaalka Premier League ayay ku noqon doontaa usbuuc niyad-jab iyo fashil ah, iyadoo meesha laga saarayo isbeddelkii ay doonayaan in lagu sameeyo horyaalka Premier League.
Kooxaha Manchester United, Liverpool, Chelsea, Manchester City, Arsenal iyo Tottenham ayaa keenay qorshe ay doonayeen in saamayntooda ay u adeegsadaan oo lagu yaraynayo tirada kooxaha horyaalka ee hadda ah 20ka naadi, kaas oo ay soo jeediyeen in laga dhigo 18 kooxood.
Kooxahan oo qayb ka ah tartanka ay kooxaha waaweyn ee Yurub samaysanayaan ee European Super League, ayaa rumaysan in ballanqaadka ah in sannadka 2024 ee ah in ay lacag badan ka helayaan UEFA Champions League uu yahay xeelad iyaga lagu dhacayo oo lagaga hor-joogsanayo in lacagaha ay ka helaan xuquuqda iibka ee baahinta ciyaarahooda oo naadiyada kale ay la qaybsanayaan.
Maalinta berri ah ayaa loo ballansan yahay kulan ay yeelanayaan lixda kooxood ee waaweyn iyo naadiyada kale ee Premier League, waxaana wararka hordhaca ah ee la helayaa ay tibaaxayaan in qorshaha naadiyada waaweyn ee ah 18 kooxood laga dhigo tartanka si weyn looga soo horjeedsan doono.
Agaasimaha fulinta Premier League ee Richard Masters ayaa soo dhoweeyey heshiis ay la gelayaan shirkadda Boston Consulting ee waddanka Maraykanka oo keentay qorshe dib loogu habaynayo horyaalka, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagaga jawaabo ‘MASHRUUCA SAWIRKA WEYN’ ee ay Liverpool iyo Manchester United soo hindiseen ee uu ku raacay guddoomiyaha EFL ee Rick Parry.
Mashruuca ‘Project Big Picture’ oo ay kasoo shaqeeyeen Liverpool iyo Manchester United ayaa faa’iidada dhaqaale ee ugu badan ee kasoo xeroota horyaalka siinaya naadiyada waaweyn ee kulamadoodu yihiin kuwa ugu daawashada badan, iyagoo sidoo kalena doonaya in meesha laga saaro laba ka mid ah kooxaha oo horyaalka laga dhigo 18 naadi.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ‘Mashruuca Sawirka Weyn’:
Kooxaha Premier League ee ay tiradoodu tahay 20ka naadi oo laga dhigo 18 kooxood.In meesha laga saaro EFL Cup / Carabao Cup iyo Community Shefield oo aan dib loo ciyaarin.In awoodda horyaalka ee ugu badan ay yeesheen kooxaha muddada ugu dheer kusoo jiray horyaalka (Arsenal, Chelsea, Everton, Liverpool, Man Utd, Man City, Southampton, Tottenham, West Ham).In lixda kooxood ee ugu waaweyn sagaalkan kooxood ee ugu waqtiga dheer, ay yeesheen codka kama dambaysta ah ee haddii isbeddel la samaynayo.In £250 milyan oo Gini la siiyo EFL iyo 100 milyan oo Gini oo kale oo la siiyo xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA.In 25 boqolkiiba dakhliga Premier League ee sannadkii lana gaadhsiin karo illaa boqolkiiba afar, la siiyo kooxaha EFL.