QORSHE GAAR AH: Jurgen Klopp Oo Shaaciyey ‘Qorshe Gaar Ah’ Oo Ay Ku U

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey ‘qorshe gaar ah’ oo ay kooxdiisu u dejisay sidii ay u joojin lahayd xiddiga Vinicius Junior marka ay Arbacada garoonka Anfield foodda isku darayaan Real Madrid lugta labaad ee wareegga xiddeedda tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa ciyaartii hore ku badisay 3-1, waxaana laba ka mid ah goolashaas dhaliyey Vinicius Junior halka uu kan kalena ku daray Marco Asensio.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhibaato badan u geystay Liverpool kulankaas, waxaanu halis badan ku ahaa difaaca iyadoo mar walba ay ku dhibaataysnaayeen sidii ay u joojin lahaayeen.

Tababare Jurgen Klopp oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta habeen dambe, ayaa waxa uu sheegay, in uu la dhacsanaa sidii uu laacibkan da’da yar ee Real Madrid uu wacdaraha u dhigay kulankaas, wuxuuna tilmaamay in aanu la yaabin.

“Waan la dhacay, lama se yaabin.” Ayuu yidhi Klopp oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey wacdarihii uu dhigay Vinicius Junior.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa  ku daray: “Waa ciyaartoy hibadiisu cajiib tahay. Qof walbaana wuxuu sii garanayay ka hor intii aanay Real Madrid lasoo saxeexanin isaga, laakiin intii ka dambaysay ayuu kasii fiicnaaday.

“Miyuu jiraa ‘qorshe gaar ah {oo aanu ku joojinayno Vinicius}? Haa, waana arrin nasiib-darro ah.”

Waxa kale oo uu Jurgen Klopp soo qaaday goolashii ay Real Madrid ka dhalisay ciyaartii hore, waxaanu yidhi: “Waxaad aragteen hal gool oo ay ila tahay in aanu iska difaaci karaynay. Goolka kale, sidii aan horeba u sheegay, wuxuu ahaa mid cajiib ah, kubbad cajiib ah oo baas dheer ahayd iyo taabasho wanaagsan oo ay la socotay dhamaystir fiican.

“Sidaa darteed haa, waxa aanu isku dayi doonaa in aanu ka baaqsano baasaska u socda dhinaciisa {Vinicius), taas oo dhab ahaantii shaqo adag ah!”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More