Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Manchester United vs Chelsea

Manchester United ayaa soo afjartay laba guul-darro oo isku xigay oo horyaalka Premier League ahaa oo garoonka Old Trafford loogu xambaariyey, laakiin waxay haddana awoodi weyday inay guul kusoo afjarto inkaastaas, iyadoo barbarro 0-0 ah ay wada galeen Chelsea.

- Advertisement -

Labada kooxood ayaa la moodayay inay ka taxadarayaan inay guul-darraystaan, aadna uga walaacsanaa, waxaana xaqiiqo ahayd in tababareyaasha uu saarnaa culays ah in midkooda guul-darraysta uu ogaa in xaalkiisu halis gelayo, inkasta oo haddaba Frank Lampard aanay xaaladdiisu wanaagsanayn.

Waxa jiray fursado yar oo labada kooxood kala heleen inkasta oo Frank Lampard uu dareemayay in qaybta hore kooxdiisu ay heshay rikoodhe markii uu Harry Maguire dhabarka ka koray Cesar Azpilicueta oo xerada ganaaxa Man United ay ku wada jireen.

Saxeexa maalintii ugu dambaysay ee suuqii xagaaga ay Manchester United samaysay ee Edinson Cavani ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay kooxdiisa cusub markii uu beddel kusoo galay qaybta labaad, laakiin waxa uu awoodi waayey inuu guul ula dabbaal-dego naadigiisa.

Natiijadan ayay warbaahinta Ingiriisku ku tilmaantay middii xaqa ahayd ee ay labada kooxood ku kala bixi lahaayeen marka la eego bandhiggooda iyo sidii ciyaartu u socotay.

Xiddigii garoonka

Difaaca Chelsea ee ah ruug-caddaaga reer Brazil ee Thiago Silva ayaa loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta, kaddib markii uu shabaqiisa ka ilaaliyey inay gaadhaan kubbado badan oo laga soo hagayey khadka dhexe oo uu awood u yeeshay in bannaanka xerada ganaaxa iyo gudaheedaba uu kaga caabbiyo kooxdiisa.

Silva ayaa qiimayntii kulanka ka helay darajda ugu sarraysay oo ahayd 7, waxaanay isku mid ahaayeen goolhaye Mendy, Azpilicueta iyo James oo Chelsea ah. Sidoo kale, xiddigaha Man United ee Wan-Bissaka iyo Lindelof, laakiin telefishanka Sky Sports ee ciyaarta tabinayay ayaa waxa uu xiddiga u caleemo-saaray Thiago Silva.

Daniel James oo garabka weerarka uga ciyaarayay Manchester United ayaa ugu liitay guud ahaan ciyaartoydii garoonka, waxaanu qiimayntii kulanka ka helay darajada 4, mana jirin ciyaartoy kale oo sidaas usii liitay.

Saxeexyada cusub ee Chelsea ee reer Germany ee Kai Havertz iyo Werner oo lagu daray khadka dhexe ee Manchester United ee Fred ayaa iyaguna dhulka galay, waxaanay qiimayntooda ciyaartu noqotay min 5.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Manchester United: De Gea (6), Wan-Bissaka (7), Maguire (6), Lindelof (7), Shaw (6), Fred (5), McTominay (6), James (4), Fernandes (6), Mata (6), Rashford (6)

Beddelka: Cavani (6), Pogba (6), Greenwood (6)

Chelsea: Mendy (7), Azpilicueta (7), Zouma (6), Silva (7), James (7), Kante (6), Jorginho (6), Chilwell (6), Havertz (5), Werner (5), Pulisic (6)

Beddelka: Abraham (6), Mount (6), Ziyech (5).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More