Qiimaynta Ciyaaryahanadda Iyo Xaqiiqooyinka Kulankii Man City
Kevin de Bruyne ayaa qaybtii hore kooxdiisa ka lumiyey fursad ay ku heli lahayd saddex dhibcood, isla markaana sare ugaga soo kici lahayd booska niyad-jabka ah ee ay ku jirto, kulankii ay Manchester City kusoo dhoweysay Liverpool ee ay barbarraha 1-1 ku kala baxeen.
Liverpool ayaa goolka la hormartay, waxaana u dhaliyey Mohamed Salah iyadoo uu goolkanna ahaa rikoodhe la siiyey kaddib qalad lagu galay Sadio Mane.
Gabriel Jesus ayaa daqiiqaddii 31aad goolka barbarraha u dhaliyey Man City, waxaase nasiib-darradooda rikoodhe guusha siin lahaa ka lumiyey Kevin de Bruyne oo si aan looga baranin birta garab mariyey kubadda xilli uu goolhayahana dhinaca kale u diray.
Xaqiiqooyinkii kulanka
Manchester City waxay barbarro gashay saddex ka mid ah shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, waana rikoodh ka badan 70kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee tartankan.
Liverpool waxay guuleysatay saddex ciyaarood oo kaliya tobankii kulan ee ugu dambeeyey Premier League ee ay martida noqotay. Saddex ayay barbarreeyeen, saddexna waa laga badiyey. Natiijooyinkani waxay beddeleen 16 guulood oo ay ka heleen 17 ciyaarood oo ka horreeyey oo ay kusoo ciyaareen meel ka baxsan Anfield, waxaana kulanka kale uu ahaa barbarro.
35 guulood oo xidhiidh ahaa oo ay Liverpool gaadhay intii u dhaxaysay February 2019 illaa July 2020, waxa intii ka dambaysay ay ku guul-darraysatay inay guuleysato afar ciyaarood oo xidhiidh ah.
Goolkii barbarraha Manchester City uu u dhaliyey Gabriel Jesus waxa uu ku yimid 19 baas oo ciyaartoyda Guardiola ay isku soo dhiibeen, waxaanu noqday baasaskii ugu badnaa ee Liverpool gool lagaga dhaliyo tan iyo September 2017kii.
Rikoodhihii uu Kevin de Bruyne lumiyey waxa uu noqday midkii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League ah ee uu khasaariyo tan iyo October 2018kii. Xilligaasna waxa uu lumiyey rikoodhe uu Liverpool ku tuurtay kulan ka dhacay Anfield.
Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood
Manchester City: Ederson – 6, Kyle Walker – 5, Ruben Dias – 7, Aymeric Laporte – 7, Joao Cancelo – 7, Kevin De Bruyne – 6, Rodri – 6, Ilkay Gundogan – 6, Ferran Torres – 5, Gabriel Jesus – 7, Raheem Sterling – 7.
Beddelka: Bernardo Silva – 6
Liverpool: Alisson – 7, Trent Alexander-Arnold – 6, Joel Matip – 7, Joe Gomez – 6, Andy Robertson – 6, Jordan Henderson – 6, Gini Wijnaldum – 5, Diogo Jota – 5, Mohamed Salah – 7, Roberto Firmino – 5, Sadio Mane – 7
Beddelka: Xherdan Shaqiri – 6, James Milner – 7