QIIMAYN: Kuwa Nasiibka Ku Yimid, Laacibiinta Qaabka Xun & Qiimayn Lagu
26ka ciyaartoy ee xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Yurub ee bishan June bilaabmaya ayaa la shaaciyey, waxaana uu Gareth Southgate qaatay go’aan uu ku yareeyey hadal-hayntii iyo dhalleecayntii uu kula kulmi lahaa xulahsada.
Alexander-Arnold ayaa xuddun u ahaa muran soo taagnaa toddobaadyo, waxaase uu Southgate ku xalliyey in uu xushay afar difaac midig si uu meesha uga saaro tooska iyo falanqaynta warbaahintu la daba taagan yihiin, waxaana uu soo qaatay Reece James, Kyle Walker iyo Kieran Trippier.
Kaddib markii sida rasmiga ah loo shaaciyey xulka rasmiga ah ee qaranka England, waxa iyadana lasoo saaray qiimayn lagu kala saarayo ciyaartoyda, iyadoo dib loogu noqday bandhigga laacib walba.
Ciyaaryahanadda ayaa loo kala-saaray lix qaybood oo kuwa ugu hooseeya ay yihiin kuwo nasiib kusoo galay liiska xulka England ee kama dambaysta ah, iyadoo la heli karayey kuwo ka wanaagsan oo boosaskaas ka ciyaari lahaa.
Harry Kane oo kusoo guuleystay kabta dahabka ah ee horyaalka Premier League ayaa hoggaaminaya qaybta ugu wanaagsan ee ciyaartoyda lixda meelood loo kala jabiyey, waana darajada ‘ciyaartoyda heerka caalami’, laakiin waxa layaableh in Trent Alexander-Arnold oo marar badan la sheegay in laga reebay xulka, uu yahay ciyaartoyga kaliya ee darajada ‘heerka caalami’ kula jira Harry Kane.
Marcus Rashford, John Stones iyo Tyrone Mings oo lagu daray Raheem Sterling ayaa iyaguna ku jira ‘qaybta ciyaartoyda qaab la’aanta ah’, sababtuna waxay tahay, in qaarkood ay dhaawacyo dileen, kuwo kalena ay ka hooseeyeen bandhiggii laga filayay oo xilli ciyaareedkii dhamaaday aanu u wanaagsanayn.
‘Liiska xiddigaha ifaya’, waxa isku urursaday Phil Foden, Mason Mount, Jordan Henderson iyo Grealish.
Laakiin waxa jira ciyaartooyo la geliyey ‘liiska xiddigaha aan qiimayntii ay u qalmayeen la siinin’, waxaana ka mid ah Pickford, Shaw, Trippier iyo kuwo kale, halka ‘liiska ciyaartoyda adag’ ay ku jireen Maguire, Chilwell, Calvert-Lewin iyo kuwo kale.
Halkan kaga bogo qiimaynta xulka qaranka England oo loo kala qaaday lix darajo:
Xiddigaha heerka caalami: Harry Kane, Trent Alexander-Arnold
Ciyaaryahannada ifaya: Phil Foden, Kyle Walker, Mason Mount, Jordan Henderson, Jack Grealish
Xiddigaha soo baxaya: Jude Bellingham, Reece James, Declan Rice, Jadon Sancho, Bukayo Saka
Ciyaaryahannada qiimayntooda hoos loo dhigo: Kalvin Phillips, Luke Shaw, Jordan Pickford, Kieran Trippier
Ciyaaryahanadda adag: Harry Maguire, Dominic Calvert-Lewin, Ben Chilwell, Dean Henderson
Xiddigaha qaab la’aanta ah: Marcus Rashford, John Stones, Raheem Sterling, Tyrone Mings
Ciyaaryahannada nasiibka ku yimid: Conor Coady, Sam Johnstone