QIIMAYN: 50ka Tababare Ee Ugu Wanaagsan Dunida Oo La Shaaciyey,

Tababareyaasha waqtigan ugu wanaagsan dunida ayaa la shaaciyey, waxaana kaalinta koowaad galay Pep Guardiola oo xilli ciyaareedkan kula guuleystay kooxdiisa Manchester Metropolis horyaalka Premier League iyo tartanka Carabao Cup, halka uu finalka joogo Champions League.

- Advertisement -

Metropolis ayaa waxay finalka Champions League la ciyaari doontaa Chelsea, kaas oo ay ku riyoonayaan in uu u noqdo markii ugu horreysay taariikhdooda ee ay ku guuleystaan.

Guardiola ayaa sameeyey taariikh markii uu kooxdan usoo saaray finalka Champions League oo aanay waligeed hore u imanin.

Majaladda ciyaaraha ee FourFourTwo ayaa qiimayn ay ku samaysay 50ka tababare ee ugu wanaagsan dunida, waxa kaalinta koowaad ka galay Pep Guardiola oo ka sarreeya Antonio Conte oo Inter Milan u qaaday horyaalka Serie A iyo Diego Simeone oo ay kooxdiisa Atletico Madrid horyaalka ku guuleysan doonto Sabtida haddii ay ka badiso Actual Valladolid.

Steven Gerrard oo horyaalka Scotland u qaaday Rangers, xilli ciyaareedkana ku dhamaystay iyagoon hal mar laga badinin ayaa waxa uu galay kaalinta 15aad ee tababareyaasha ugu wanaagsan, waxaana uu ka horreeyaa Zinedine Zidane oo 20aad fadhia iyo Jose Mourinho oo kasii dambeeya.

Laakiin tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku ceebaysan qiimayntan, waxaanu ku jiraa kaalinta 47aad iyadoo uu xataa  kasii hooseeyo Rafa Benitez oo aan beryahan wax shaqo ah qabanin.

Akhriso qiimaynta 50ka tababare ee ugu wanaagsan dunida waqtigan:

26. Marcelino Garcia Toral

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More