QIIMAYN: 50ka Kooxood Ee Ugu Wanaagsan Dunida Oo La Magacaabay Iyo

Supercomputer ayaa qiimayn ku sameeyey kooxaha kubadda cagta adduunka oo dhan, waxaanu kasoo saaray 50ka ugu wanaagsan, kuwaas oo ay kaalmo lama filaan ah kaga jiraan naadiyo waaweyn oo laga eegayay inay safka  hore soo galaan.

Manchester City ayaa noqotay kooxda ugu wanaagsan adduunyada oo dhan, waxaana hal buundo u jirsatay Bayern Munich oo kaalinta labaad soo gashay, halka Chelsea, Barcelona iyo Liverpool ay dhamaystireen shanta sare.

Kooxda tababare Pep Guardiola oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Premier League iyo Carabao Cup, sidoo kalena timid finalka Champions League oo ay Chelsea ka qaadday, ayuu Supercomputer u doortay kooxda ugu fiican.

Real Madrid iyo Manchester United ayaa waxay ka hoos mareen naadiga sannadaha yar jira ee RB Leipzig oo soo cidhiidhsaday kaalinta lixaad, halka labadan kooxood ee waaweyni ay ku kala jiraan toddobaad iyo siddeedaad, iyadoo Paris Saint-Germain iyo Borussia Dortmund ay soo buuxiyeen tobanka sare.

Kooxaha Talyaaniga ayaa gebi ahaanba ka maqan tobanka sare, waxaana labada naadi ee ugu soo dhow ay yihiin Inter Milan iyo Juventus oo ku kala jira 14aad iyo 15aad, halka AC Milan ay fadhido 22aad.

Halkan kaga bogo 50ka kooxood ee ugu wanaagsan dunida iyo horyaallada ay ka ciyaaraan:

50. Young Boys (Swiss Super League)

49. Rangers (Scottish Premiership)

48. Sporting CP (Primeira Liga)

47. Hoffenheim (Bundesliga)

45. Aston Villa (Premier League)

44. Everton (Premier League)

43. Flamengo (Brasileirao)

40. Athletic Bilbao (La Liga)

39. Eintracht Frankfurt (Bundesliga)

38. Borussia Monchengladbach (Bundesliga)

36. Leeds United (Premier League)

35. Benfica (Primeira Liga)

34. West Ham United (Premier League)

33. Bayer Leverkusen (Bundesliga)

29. Porto (Primeira Liga)

28. Zenit Saint Petersburg (Russian Premier League)

27. Tottenham Hotspur (Premier League)

26. Leicester City (Premier League)

25. Brighton and Hove Albion (Premier League)

24. Wolfsburg (Bundesliga)

19. RB Salzburg (Austrian Bundesliga)

17. Real Sociedad (La Liga)

14. Inter Milan (Serie A)

13. Arsenal (Premier League)

11. Atletico Madrid (La Liga)

10. Borussia Dortmund (Bundesliga)

9. Paris Saint-Germain (Ligue 1)

8. Manchester United (Premier League)

6. RB Leipzig (Bundesliga)

5. Liverpool (Premier League)

3. Chelsea (Premier League)

2. Bayern Munich (Bundesliga)

1. Manchester City (Premier League)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More