“Pogba Waa Inaad Hooyadaa….” – Jamaahiirta PSG Oo Farriin Adag U
Jamaahiirta kooxda Paris Saint-Germain ayaa u muuqda kuwo aan kuwada faraxsanayn wararka kooxdooda la xidhiidhinaya khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba.
Qaar kamida taageerayaasha PSG ayaa boodhadh sudhay banaanka garoonka Parc des Princes si lamid ah xerada tababarka kooxda iyaga oo kasoo horjeeda in saxeexa Pogba la sameeyo.
Qoraalka ayaa ahaa mid ay jamaahiirt ku yidhaahdeen “Pogba waa inaad hooyadaa dhagaysato, iyadu halkan kulama doonayso anaguna sidoo kale”
Hore ayuu Pogba si cad ugu sheegay sanado kahor in waalidkii ay ahaayeen kuwo taageera kooxda ay PSG xifaaltanka weyn leeyihiin ee Marseille.
Sidoo kale waxa xusid mudan in Pogba uu aad ugu dabaaldegay Paris markii ay kooxdiisu Parc des Princes kaga dhex reebtay Champions League sanadkii hore.
Sida uu sheegayo warsidaha ree France ee RMC Sport, ma jirto cid wali sheegatay inay soo samaysay sababna u tahay boodhadhkaas.