Pep Guardiola Oo Magacaabay Xiddigii Ka Yaabiyey Intii Ay

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaciyey hal ciyaartoy oo ka yaabiyey intii ay socotay ciyaartii ay barbarraha 1-1 ah wada galeen Liverpool ee Axaddii shalay ka dhacday garoonka Etihad Stadium.

Liverpool ayaa la hormartay rikoodhe uu waqti hor eu dhaliyey Mohamed Salah kaddib qalad uu Kyle Walker ku galay Sadio Mane oo xerada ganaaxa ku jiray, laakiin Sky Blues ayaa dib kasoo dagaallantay oo iska soo beddelay goolkaas, waxaana u saxeexay Gabriel Jesus oo difaaca Liverpool kaga guuleystay kubbad dhinaca uu ka keenay Kevin de Bruyne.

Taabashadiisii koowaad ayuu kala hormaray Trent Alexander-Arnold, middii labaadna waxaabu iskula kala bixiyey inuu faraha hore kusii riixo kubadda xilli uu cidhiidhi ku jiray, waxaanay hore ugu dhaqaaqday dhinaca shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Alisson oo ay hoostiisa  martay.

Pep Guardiola oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib ayaa amaan u jeediyey Gabriel Jesus, waxaanu ku amaanay qaab ciyaareedka uu muujiyey iyadoo uu kasoo laabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa.

Waxa kale oo uu xusay in sida uu u dheelay Jesus ay ahayd mid isaga ka yaabisay maadaama ay u ahayd ciyaartii koowaad ee uu dhamaysto tan iyo bishii September ee sannadkii hore, waxaanu yidhi: “Runtii wuu fiicnaa. Kamaan filaynin inuu adkaysan doono 90ka  daqiiqadood laakiin wuu sameeyey. Jidhkiisu aad ayuu u awood  badan yahay, dhaqaaqiisa ciyaarta dhexdeeduna way sarraysaa. Wuu na caawiyey, wuxuu dhaliyey gool heersare ah iyo natiijo u wanaagsan isaga.”

Manchester City ayaa ciyaartan ku dhoweyd inay saddexda dhibcoodba hesho, waxaana fursad dahabi ah ka khasaariyey Kevin de Bruyne oo rikoodhe loo dhigay birta garab mariyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More