Pep Guardiola Oo Barbarreeyey Rikoodhkii Jose Mourinho Ee Champions

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa barbarreeyey rikoodhkii Champions League ee macallinka reer Portugal ee Jose Mourinho, kaddib markii ay xalay kooxdiisu usoo gudubtay semi-finalka.

Pep Guardiola ayaa soo qabtay rikoodhkii Jose Mourinho ee ahaa siddeed semi-final oo Champions League ah oo uu yimid intii uu tababaraha ahaa, waxaanu ku xaqiijiyey guushii ay xalay ka gaadheen Borussia Dortmund.

Barcelona ayaa ahayd kooxdii ugu horreysay ee Guardiola uu la tago semi-finalka, waxaana ugu xigtay Bayern Munich iyo hadda oo uu Man City uu u horseeday in ay gaadho halkaas.

Tababaraha reer Spain ayaa xaqlay xaqiijistay in markii siddeedaad ee waayihiisa tababarenimo uu tago afarta ugu dambaysa tartanka Champions League.

Jose Mourinho oo kaliya ayaa hore kali ugu ahaa rikoodhkaas, isla markaana semi-finalka geeyey kooxhaa FC Porto, Chelsea, Inter Milan iyo Real Madrid, isla markaana laba jeer ku guuleystay Champions League isagoo hoggaaminaya FC Porto iyo Inter Milan.

Guardiola ayaa isaguna saddexda kooxood ee Barcelona, Bayern Munich iyo Man City gaadhsiiyey semi-finalka, waxaana uu koobka Champions League ku guuleystay hal mar oo ahayd xilli ciyaareedkii 2011/12 oo uu Barcelona la qaaday.

Manchester City ayaa ku beegantay Paris Saint-Germain oo soo reebtay BBayern Munich, waxaana Pep u taalla shaqo adag oo ah in uu joojiyo weerarka daadka ah ee kooxda reer France si uu u tegi karo finalka.

Pep Guardiola oo ay kooxdiisu waqti horeba meel dhigatay horyaalka Premier League oo ay kulamo kooban kaddib ku guuleysan doonto, FA Cup oo ay semi-finalka u gudbeen iyo Carabao Cup oo ay finalka wada ciyaarayaan Tottenham.

Haddii saddexdan koob ee maxalliga ah ay Man City ku guuleysato, sidoo kalena ay ku darsato Champions League, waxay u noqon doontaa guushii ugu weynayd taariikhdeeda ee ay gaadho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More