Saadaasha Paul Merson: Chelsea v Arsenal, Man Utd v Everton
Daaficii hore ee Arsenal Paul Merson ahna Khabiirka isboortiga ayaa ka dalbaday Mikel Arteta inuu safka ka saaro xiddiga reer Brazil Willian, halka uu saadaalinayo natiijada kulanka Chelsea iyo Arsenal ee sabtida.
Arsenal, oo aan badinin sideedii kulan ee ugu danbeysay, waa inay ku soo laabataa wadada guusha si ay u sii ahaato 16 ee Premier League.
Willian, oo qalinka ugu duugay heshiis Arsenal xagaagii ka dib markii qandaraaskiisa Chelsea uu dhacay, ayaa la filayaa inuu kalin ficaan ka qadan doono, maaddaama uu ku dhibtooday inuu shabaqa soo taabto xilli ciyaareedkan.
Khabiirka ciyaaraha Paul Merson oo ka hadlaya ka hor kulanka adag ee London oo ah mid “Derby” ee u dhexeeya Chelsea iyo Arsenal, khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa u soo jeediyay Arteta in Willian uu keydka fadhisiyo wuxuuna yiri: ““Wuxuu ahaa mid lala yaabay. Anigu taageere weyn ayaan u ahay Willian, markii uu joogay Chelsea na wuxuu ahaa mid aan la malayn karin.
Mararka qaar wuxuu ahaa ciyaartoy aan laga adkaan karin, laakiin hadda waa qashin mana garanayo waxa ay tani tahay. Isaga kaliya ayaa isweydiin kara, waana inuu leeyahay kalsoonidiisa, oo u hubiyo inuu ciyaari doono.
Waxa uu helay fursado ku filan oo uu ku ciyaaro, in ka badan ciyaaryahan kasta oo da ‘yar. Magacyada waa weyn ee Arsenal ayaan qaab ciyaareed fiican soo bandhigin lixdii isbuuc ee ugu dambeysay, waana tan dhibaatada Arteta haysata.
“Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shabaqa soo taabtay shalay laakiin runtii uma muuqan inuu gool dhalin doono, luuqada jirkiisa ma fiicneyn, Nicolas Pepe had iyo jeer ma soo bixin, Willian wuxuu umuuqday inuu taxaddarayo”.
Merson ayaa saadaaliyay kulanka Chelsea iyo Arsenal wuxuuna markale u calaacalay Mikel Arteta wuxuuna yirii: “Waxay noqon doontaa wax lala yaabo hadii ay Arsenal badiso.