Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Liverpool Oo Dalbatay Goolhaye Caan Ah Kaddib Markii

Liverpool ayaa xidhiidh la samaysay kooxda kubadda cagta Tottenham oo ay ka doonayso goolhayaheeda Paulo Gazzaniga si uu xal degdeg ah ugu noqdo dhibaatada dhaawac ee soo gaadhay Alisson Becker oo muddo bil iyo dheeraad ah garoomada ka maqnaan doona.Jurgen Klopp ayaa shaaciyey in ugu yaraan lix toddobaad  uu ku maqnaan doono Alisson, laakiin dhakhaatiirta kooxda ayaa waxay sheegayaan inay suurtogal tahay inuu u baahdo in qalliin lagu sameeyo, taas oo keeni doonta in muddada uu maqnaanayo ay sii dheeraato.Sida uu qoray…

Arsenal Oo Qiratay In Ay Ku Fashilantay Laba Ciyaartoy Oo

Kooxda kubadda cagta Arsenal ma rajaynayso in maanta oo uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagani ay samayso saxeexyo cusub, waxaanay si cad faraha uga qaadday labadii xiddig ay ee ay ku raad joogtayy ee Houssem Aouar iyo Thomas Partey.Mikel Arteta ayaa hore uga hadlay damaciisa inuu xoojiyo kooxdiisa inta aanu xidhmin suuqu, laakiin waxay u muuqataa in Gunners uu waqtigu ku yaraaday oo aanay heli karayn laacibiintii ay doonaysay.Tababaraha reer Spain oo la hadlayay warbaahinta Sky Sports ayaa qirtay inay gabaabsi…

“Sidee Ayaan Ugu Hambalyaynayaa Liverpool & Klopp, Aniga

Tababare ku-xigeenkii hore ee Liverpool ee Zeljko Buvac  ayaa ku dooday inuu yahay qofka ka dambeeyey guusha ay gaadhay Reds xili ciyaareed hore ee ay kusoo afjartay abaartii ka haysatay horyaalka Premier League oo 30 sannadood kaddib ay ku guuleysatay.Zeljko Buvac oo gacan-yare u ahaa Jurgen Klopp muddo 17 sannadood ah ayaa waxa uu go’aansaday inuu iskaga tago kooxda sannadkii 2018kii oo la sheegay inay isku dhaceen saaxiibkii Klopp.Zeljko Buvac ayaa lagu tilmaami jiray maskaxda Liverpool ee intii uu joogay Klopp iyo…

Manchester United Oo Heshiis La Gaartey Mid Ka Mid Ah

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa heshiis la gaadhay dhiggeeda FC Porto oo ay si rasmi ah ugala soo wareegayso difaaca bidix ee reer Brazil ee Alex Telles. Manchester United ayaa nasasho la’aan ku jirta maalinta ugu dambaysa suuqa iibka ciyaartoyda oo soo xidhmaya saqda dhexe ee caawa, waxaanay dedaal badan u samaynaysaa sidii ay ula soo saxeexan lahayd ciyaartooyo wax kusoo kordhiya, kana daboola meelaha dal-daloola ee ay ka liigayaan. Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa in badan sugayay in kooxdiisu ay…

Suuqa Iibka Ciyaartoyda Oo Maanta Xidhmaya, Kooxaha Ugu

Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa xidhmi doona saqda dhexe ee caawa, waxaanay naadiyada waaweyn ee weli hungurigu kaga sii jiro inay laacibiin cusub lasoo saxeexdaan ay ka faa’iidaysan karaan saacadaha kooban ee u hadhsan.Manchester United ayaa ah kooxda ugu weyn ee laga  hadal hayo suuqa iibka ciyaartoyda ee isha gaarka ah lagu haynayo saacadaha kooban ee ka hadhsan, maadaama ay wali ku raad-joogaan laacibiintii ay doonayeen oo kaliya Donny van de Beek ay kusoo guuleysteen inay lasoo saxeexdaan.Red Devils ayaa la filayaa in…

Real Madrid Oo Dhirbaaxo Xanuun Kulul Ku Dhufatay Barcelona

Real Madrid ayaa Barcelona kaga guuleysatay saxeexa ciyaartoy da’da yar oo layaab leh, kaas oo ay ku loollamayeen intii lagu soo dhowaaday dhamaadka suuqa iibka ciyaartoyga ee caawa saqda dhexe lasoo afjarayo.Los Blancos ayaa suuqa xagaagan aan wax saxeexyo ah samaynin, waxaana kaliya furnaa albaabka laga baxayo, iyadoo iibisay Sergui Reguilon, Achraf Hakimi, James Rodriguez, dhawr ciyaartoy oo amaah ku maqnaa iyo kuwo kale oo da’yarteeda ku jiray.Sidoo kale, waxay amaah ku bixisay Gareth Bale, Dani Ceballos, Kubo, Reinier,…

Tii Horeba Tanaa Ka Daran!! Jose Mourinho Oo Cusbo Sii

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho  ayaa cusbo sii mariyey dhaawacyada iyo nabarrada Manchester United ee uu ku gaadhsiiyey garoonka Old Trafford oo uu kaga adkaaday 6-1.United ayaa lagu bahdilay garoonkooda bandhig cajiib ahaa oo Spurs ay muujisay, iyadooi intii ay ciyaartu socotay ay qaladaad badan sameeyeen difaaca Manchester United ka hor intii aan kaadhka cas loo taagin Anthony Martial.Bruno Fernandes ayaa rikoodhe hoggaanka ugu dhiibay Man United, laakiin Heung-Min Song iyo Tanguy Ndombele ayaa kooxda martida ahayd…

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii La Xasuuqay Liverpool, Xiddig

Ma jiro ereyo ku haboon oo lagu qeexi karo wixii caawa ku dhacay kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool kuwaasoo xasuuq 7-2 kala kulmay kooxda Aston Villa oo gaartay guusheedii labaad ee ugu weyneyd abid ee taariikhda Premier League.Liverpool ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu xumaa ee lagu arko sannadihii u danbeeyay mana aysan u muuqin inay yihiin kooxda horyaalka qaaday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.Goolhayahooda wuxuu ahaa been boode, daafacooda wuxuu ka jilcanaa muuska, khadkooda dhexe jahwareer ayaa…

Barcelona Oo Taako Ku Qabatay Sevilla, Coutinho Oo Guuldarro

Philippe Coutinho ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo Barcelona ay barbaro 1-1 kala kulantay kooxda Sevilla oo marti u aheyd.Sevilla ayaa caawa soo bandhigtay qaab ciyaareed ay ku muujinayaan inay ka mid noqon karaan kooxaha u tartamaya hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.Kooxda uu hogaamiyo tababare Julen Lopetegui waxay ku qaadatay kaliya sideed daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii karoos uu soo qaaday Suso uu qalqal ka dhex abuuray xerada goolka Barcelona iyadoo kubad auu helay Luuk de Jong kaasoo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More