Ole Gunnar Solskjaer Oo Xiddig Lama Filaan Ah U
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa u magacaabay daafaca bidix Luke Shaw inuu yahay dhameystiraha labaad ee ugu fiican kooxda Manchester United.
- Advertisement -
Shaw ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu qaab ciyaareedka fiican Man United xilli ciyaareedkan, wuxuuna ku jiraa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa abid.
Wuxuu gool dhaliyay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Man City horaantii bishaan, waxayna dad badan aaminsan yihiin inuu fure u yahay weerarka Red Devils.
25 jirkaan ayaa haatan shaaca ka qaaday in tababare Solskjaer uu aaminsan yahay inuu yahay dhameystiraha labaad ee ugu fiican Man United ka dib Mason Greenwood.
Shaw ayaa sharaxaad ku bixiyay: “Waa inaad weydiisaan tababaraha caadiyan aniga ayuu igu tilmaamaa dhameytiraha ugu fiican.
“Waan fahamsanahay inay dadku dhihi doonaann inaan goolal badan dhalinin laakiin xaqiiq ahaan wuxuu ii sheegay inaan ahay dhameytiraha labaad ee ugu fiican. Ma garanayo haddii ay wanaag ka aheyd iyo haddii kale.”
Solskjaer ayaa xaqiijiyay inay run tahay inuu sidaas ku yiri Luke Shaw islamarkaana uu ka danbeeyo kaliya Masin Greenwood.
“Waa sax sidaasi waan ku iri Luke” ayuu Solskjaer qirtay. “Wuxuu ka danbeeyaa Mason Greenwood, Luke wuxuu leeyahay dhameystir farsamo oo aad u fiican marka uu galo xerada ganaaxa sidaasi darteed waxaan ku dhiirogeliyaa inuu xerada ganaaxa galo inta badan.
“Ujeedkeyga waa inuu ka ciyaaro afka hore oo uu helo goolal.”
Qaab ciyaareedka fiican ee Shaw ayaa keentay in dib looga soo yeero xulka England isagoo caawiye ka noqday goolkii Harry Kane ee kulankii ay 2-0 kaga badiyeen xulka Albania.