Niyad-dhis Mise Xaqiiqo: Giorgio Chiellini Oo Sheegay In Ciyaaryahanadda

Difaaca xulka qaranka Talyaaniga ee Giorgio Chiellini ayaa ku tilmaamay xulka England ‘murashaxiin halis ah oo ku guuleysanaya tartanka Euro’ ee ay finalkiisa usoo gudbeen, kaas oo ay Axadda wada ciyaari doonaan Talyaaniga iyo Ingiriisku.

Giorgio Chiellini ayaa dareensan ‘tayada iyo awoodda jidh ahaaneed’ ee ciyaartoyga England in ay tahay sarraysa, isla markaana aanay fududaan doonin marka ay iska hor yimaaddeen. Sidaas oo ay tahay, waxa uu Giorgio Chiellini sheegay in xulka qarankooda Talyaanigu aanu ka baqaynin Three Lions kulankooda finalka, ayna la dheeli doonaan ciyaar qurux badan.

Isaga oo waraysi siinayay warbaahinta RAI Sports, waxa uu Giorgio Chiellini  yidhi: “Waxa aanu u malaynaynay in semi-finalka aanu la ciyaarayno France oo si weyyn koobka loogu saadaalinayay laakiin Spain ayaanu kulanay. France waxay lahaayeen dhamaan tayada looga baahan yahay iyo khibrad ciyaaraha caalamiga ah.

“Waxay ila ahayd, in France ay tallaabo ka horreeyaan dalalka kale oo dhan, sidaa darteed waxay iila muuqatay in dariiqa koobka ay naga xigaan Belgium, France iyo England.

“Si degdeg ah ayaan u arkay in England ay tahay ‘musharax halis ah oo ku guuleysanaya Euro’. Waxay leeyihiin tayo iyo jidh, way adag yihiin oo ay habaysan yihiin. Aragti ahaan ma fududa, wayna adag tahay in laga adkaado.

“Waxay soo gaadheen semi-finalkii Koobka Adduunka, waxa u dheer inaan la saadaalin karin England finalka Euro, waxay haystaan lix ama toddoba ciyaartoy oo adag.”

Si gaar ah waxa uu usoo qaatay Harry Kane, waxaanu yidhi: “Kane waa ciyaartoy aan mar walba jeclaa inaan si fiican ula tacaalo. Waxa aan xasuustaa ciyaar ka mid ahayd kuwiisii ugu horreeyey ee xulka oo ka dhacday Turin oo aanu wada ciyaarnay oo uu si degdeg ah iiga yaabiyey. Waxa nasiib aanu u yeelanay in aanu la ciyaarno Tottenham, sidaas darteed si fiican ayaan u garanayaa.

“England ma aha Kane oo kaliya, waxay haystaan ciyaartooyo kale oo garbaha weerarka ah oo cajiib ah. Kaydkooda oo kaliya ayaa ku guuleysan karaya Euro. Waxay haystaan Jack Grealish, Jadon Sancho, Marcus Rashford, Dominic Calvert-Lewin iyo Phil Foden.

“Waxay noqon doontaa ciyaar wanaagsan oo aanay kooxina baqanayn iyadoo dhinac walba ixtiraamayo dhanka kale.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More