N’Golo Kante Wuxuu Gaarey Guulo Aanay Gaadhin Ronaldo & Messi… Waa

N’Golo Kante ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysanayo abaal-marinta Ballon d’Or ee xiddignimada sannadkan iyadoo uu qiimayn ahaan iyo hadal-hayntaba ka horreeyo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Sida uu rumaysan yahay weeraryahankii hore ee Manchester United ee Louis Saha, ma jiro ciyaartoy ka wanaagsan N’Golo Kante oo qaadan kara abaal-marinta xiddiga adduunka sannadkan, haddii ay dhacdo oo ciyaartoy kale la siiyana waxay noqon doontaa ‘fadeexad weyn’.

N’Golo Kante oo ay da’diisu tahay 30 jir, wuxuu door libaax kasoo ciyaaray guushii Chelsea ee Champions League ee bishii May, iyadoo uu ahaa laacibkii ugu bandhigga wanaagsanaa semi-finalkii iyo Finalkii intaba.

Labadii kulan ee semi-finalka ee Real Madrid ayuu noqday xiddigii garoonka ee la guddoonsiiyey abaal-marinta Man of the Match.

Kaddib markii uu guushaas lasoo hooyey kooxdiisa, waxa uu si toos ah ugu duulay France oo uu kala qayb-gelayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 oo labadii kulan ee ay ciyaareen ba  uu udub-dhexaad u ahaa.

Saha ayaa rumaysan, in bandhiggii wanaagsanaa ee xilli ciyaareedkii hore ee ay ku jireen saddexda ciyaarood ee ugu dambeeyey Champions League ee uu xiddiga garoonka qaatay, in ay yihiin kuwo u damaanad qaadaya inuu ku guuleysto xiddignimada sannadkan.

Louis Saha oo waraysi bixinayay ayaa yidhi: “Haddii uu N’Golo Kante ku guuleysto Ballon d’Or, waxa aan aaminsan inuu u qalmo. Ma jiro ciyaartoy kale xataa Ronaldo ama Messi oo soo noqday xiddiga labadii lugood ee semi-finalka Champions League iyo finalka.

“Wuxuu maamulanayay khadka dhexe isagoo sidoo kalena caawinayay ciyaartoyda afka hore. Marka uu hore u dhaqaaqo wuxuu ahaa xoog, anigu waligay ma arag ciyaartoy sidaas oo kale ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More