NAXDIN: Mid Kamida Xiddigihii Da’yarta Ajax Oo Shil Gaadhi Ku

Noah Gesser oo ahaa 16 sano jir ka tirsan kooxda da’yarta ee Ajax ayaa noqday mid ku naf waayay shil baabuur oo xalay dhacay kaddib markii gaadhi ay wateen isaga iyo walaalkii uu ku dhaxay Taxi.

Gesser ayaa ahaa mid ay wada socdeen walaalkiisa ka weyn ee 18 sano jirka ah markii ay si adag iskugu dhaceen gaadhi kale xilli ay marayeen wadada qaramada Midoobay ee IJsseltein sida ay kooxdu xaqiijisay.

Booliska oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in dhibanayaashu ay ahaayeen 16 iyo 18 sano jir oo deegaan ku ahaa IJsseltein isla markaana isku qoys ahaa walow aysan qeexin magacyadooda.

Shaqsiga waday gaadhiga kale ee Taxi-ga ah ayaa la geeyay dhakhtarka balse dhaawacyada uu qabo ayaan lagu sheegin kuwo halis ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More