Natiijo Noocee Ah Ayay Atletico Madrid U Baahan Tahay Si Ay Caawaba

Kooxda Atletico Madrid ayaa caawaba lavatory caleemo saari karaa inay tahay hormoodka horyaalka La Liga marka ay garoonkeeda Wanda Metropolitano kusoo dhawaynayso dhigeeda Osasuna.

Dhammaan kulamada La Liga ee toddobaadkan ayaa caawa la wada ciyaarayaa 7:30 fiidnimo ee xilliga geeska Africa iyadoo ay kooxuhu kala bixi doonaan haddii ay noqoto hanashada horyaalka iyo haddii ay noqoto kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhacayoba.

Barcelona ayaa u muuqata mid horeba u macasalaamaysay horyaalka ku guuleysigiisa kaddib bar-bardhacii Levante ay lasoo galeen dhawaan iyaga oo afar dhibcood ka dambeeya Atletico xilli kaliya laba kulan hadheen.

Actual Madrid ayaa iyaduna saddex dhibcood u jirta Atleti waxaana ay u baahan yihiin inay hal kulan guuldarraysato kooxdaasi oo ay iyaguna labada kulan ee u hadhayba guulo gaadhaan si ay horyaalka u hantaan.

Rojiblancos oo hadda 80 dhibcood leh ayaa hal gacan kusii haysta horyaalka, haddiiba kooxda tababare Diego Simeone ay caawa guul ka gaadho Osasuna isla markaana ay Actual dhibco ku lumiso (Bar-baro la gasho amaba ay guuldarro kala kulanto) Bilbao ayay si rasmi ah Atleti horyaalka ugu guuleysan doontaa.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More