MUUQAAL: Waakan Goolkii Ugu Xumaa Ee Abid Ciyaaryahan Si Qaldan Iskaga

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa wakhtigan aad ugu mashquulsan tartamada Euro 2020 iyo Copa America 2021 balse badi kama war hayaan waxyaabaha ka dhacaya isreeb-reebka koobka aduunka ee CONCACAF.

Gaar ahaan xalay oo Salaasa ahayd jamaahiirta ayaa aad u lafo gurayay waxa ka dhacayay Group-ka ay wadaagayaan France, Germany, Portugal iyo Hungary oo ah midka ugu adag Euro 2020.

Isla xalay ayay ahayd markii gool lagu sifayn karo midkii ugu xumaa taariikhdu uu ka dhashay kulankii dhex maray xulalka Canada iyo Haiti.

Labada kooxood ee ree North American ayaa isku arkay kulan ah isreeb-reebka koobka aduunka ee 2022 iyadoo Canada ay ku badisay 1-0, guud ahaan labada kulan ee dhex maray labada xul ayaa kusoo dhammaaday guul 4-0 ah.

Si kastaba, qaabka uu goolka furitaanka u dhaliyay xulka Canada ayaa ahaa mid indhaha aad u qabtay iyado goolhaye Josué Duverger uu si qaldan iskaga dhaliyay.

Goolka oo yimid qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Kevin LaFrance baas dambe u celiyay goolhaye Duverger balse goolhayaha ayaa awood u yeelan waayay inuu xakameeyo.

Arrinta goolka sii xumaynaysa ayaa ah in Duverger uu haystay wakhti fiican oo uu qaladkiisa hore ee ah in kubaddu ay kahoos baxday ku saxo balse markale ayuu la waayay laaga uu ugu talo galay inuu kubadda ku fogeeyo.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

GOAL ??

Oh no. ?

One of the worst concessions in goalkeeping history, and #CanMNT take a 1-0 lead over Haiti

? https://t.co/hishXepRT3 pic.twitter.com/QbF3CFwdyd

— OneSoccer (@onesoccer) June 16, 2021

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More