MUSIIBO: Xaalada Dhaawacii Ansu Fati Oo Faraha Ka

Da’yarka garabka weerar ee kooxda Barcelona ee Ansu Fati ayaa guud ahaan inta xilli ciyaareedkan ka dhiman iyo waliba tartanka Euro ee xagaaga qabsoomayaba seegi kara xilli ay macquul tahay in lagu sameeyo qaliinkii saddexaad ee lagu saxayo dhaawaca jilibka ka gaadhay.

Xaalada dhaawac ee Fati ayaa ahayd mid kasii daraysa tan iyo markii uu dhaawacu gaadhay, 18 sano jirkaas ayaa ahaa mid bilooyin holac ah qaatay.

Markii ugu horreysay ee uu qaliinka ku sameeyay dhakhtarka aadka loogu kalsoon yahay ee Ramon Cugat ayaa la filayay inuu da’yarkaasi kaliya afar bilood ka maqnaan doono Barcelona.

Qorshaha hore ayaa ahaa inuu saddex bilood ku dhammaysto soo kabasho isla markaana uu hal bil ku jiro dooga oo uu tababar sameeyo.

Si kastaba xaalada dhaawaca Fati ayaan noqonin sidii la qorsheeyay waxaana uu maalmo ka badan intii la filayay ku qaatay dhakhtarka Barcelona isaga oo maalmo kaddibna barar yeeshay.

Sidoo kale qaliin labaad oo lagu sameeyay Fati ayaan noqonin mid isaguna lagu najaxay, wargeyska AS ayaa shaaciyay in 18 sano jirkaasi uu ‘Infection’ cusub ku dhibtooday saddex toddobaad kahor.

Sida uu hadda sheegayo saxafi Marta Carreras oo ka hawl-gala Radio Catalunya waxa jirta hubaanti la’aan weyn oo ay shaqaalaha caafimaadka ee Barcelona ka qabaan xaalada Fati isla markaana ay jirto suurogalnimo qaliinkii saddexaad loogu samayn karo.

Haddiiba qaliinka saddexaad uu noqdo mid lagama maarmaan ah oo uu qabsoomo waxa ay la micno tahay in Ansu uusan soo laaban doonin inta xilli ciyaareedka ka hadhsan isla markaana uu seegi doono Eurpo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More