MUSIIBADA Dhaawacyada Actual Madrid Oo Xadka Ka Gudubtay Kahor Kulanka

Kooxda ree Spain ee Actual Madrid ayaa u muuqata mid xilli ciyaareedkan khaati ka taagan dhaawacyo aan kala joogsi lahayn iyadoo la marayo xilligii ugu xasaasi sanaa ee koobabka la go’aaminayay.

Daafaca dhexe ee kooxdaas ee Raphael Varane ayuu hadda shaki ku jiraa ka qayb-galkiisa kulanka ay Chelsea booqanayaan Arbacada ee ah lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League oo Stamford  Bridge ka dhacaysa.

Xiddiga kusoo guuleystay koobka aduunka ayaa ku qasbanaaday inuu wakhtigii nasashada ka baxo kulankii ay guusha ka gaadheen Osasuna xalay sababtoo ah xanuun uu ka dareemay lugta midig.

Varane ayaa la filayaa in maanta la marin doono tijaabooyin lagu ogaanayo heerka uu dhaawaciisu gaadhsiisan yahay balse hadda ka qayb-galka kulanka Chelsea ayaa u muuqata mid ku adag.

Warkaas ayaa ah midkale oo naxdin ku ah tababare Zinadine Zidane, tababaraha ree France ayay macquul tahay inuu ku qasbanaado inuu garoomada kusoo dedejiyo kabtankiisa Sergio Ramos oo ku dhaw inuu dhaawac kasoo kabto.

Dhinaca kale tababare Zidane ayaa ku rajo-weyn inuu ciyaarta Chelsea dib u heli doon Federico Valverde, xiddiga ree Uruguay ayaa caabuqa Korona Fayras oo ku dhacay natiijadii Arbacadii ay sheegtay inuu ka caafimaaday, haddiiba markale maanta oo Axad ah tijaabada kale lagaga waayo xanuunka ayuu toos London ugu raaci doonaa asxaabtiisa kale.

Su’aasha ayaa ah miyuu Zidane toos shaxdiisa ugu soo celin doonaa Valverde oo 10 maalmood garoomada ka maqnaa, waxa jirta suurogalnimo uu booska daafaca midig oo ahaa halkii uu ka ciyaaray ciyaartii Liverpool ee Anfield ugu soo bilaaban karo Arbacada.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More