Musiibada Dhaawacyada Actual Madrid Oo Xadhkaha Goosatay & Saddex Xiddig
Kaddib guul-darradii kasoo gaadhay Chelsea ee semi-finalka Champions League, ciyaartoyda Actual Madrid ayuu ka muuqda daal iyo niyad-jab badan, taas oo kusoo beegantay xilli ay isku diyaarinayaan kulanka adag ee Sevilla oo ay u baahan yihiin in ay guuleystaan si ay horyaalka ugu sii tartamaan.
Ciyaaryahanadda Los Blancos ayaa tababarka dib ugu soo laabtay Jimcihii maanta kaddib markii ay Khamiistii soo gaadheen magaalada Madrid.
Laakiin saddex ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Actual Madrid ayaa laga waayey tababarkii maanta oo aan kasoo xaadirin, iyagoo qaba dhaawacyo.
Zinedine Zidane ayay adag tahay in uu ka maarmo kulanka Sevilla saddexda ciyaartoy ee tababarkii maanta seegay, isla markaana qolka jimicsiga & jidh-dhiska ee gym-ka ku qaatay waqtigooda.
Saddexda ciyaartoy ayaa kala ah Sergio Ramos oo kusoo bilowday kulankii Chelsea isagoo kasoo laabtay dhaawac waqti dheer ahaa, Fede Valverde oo isaguna beddel kusoo galay kaddib laba toddobaad oo uu karantiil ugu jiray korona fayras iyo Vinicius Junior oo ka mid ahaa ciyaartoyda ay ku socotay Actual Madrid bilihii ugu dambeeyey.
Dhinaca kale, Raphael Varane ayaa wali dhaawac ah oo aan ciyaari doonin kulanka Sevilla, halka Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez ay macasalaameeyeen xilli ciyaareedka oo ay garoomada ka maqnaan doonaan kulamada hadhay oo dhan.
Varane ayaa waqtiga maqnaanshihiisa lagu qiyaasay illaa 10 maalmood iyadoo uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii Osasuna ee Sabtidii.
Difaaca reer France ayaa Jimcihii maanta waxa uu iska soo xaadiriyey qolka jimicsiga jidh-dhiska oo ay sidoo kale ku sugnaayeen Ramos, Valverde iyo Vinicius.
Actual Madrid ayaa rajaynaysa in Ramos, Valverde iyo Vinicius ay diyaar u noqon karaan kulanka Sevilla ee Axadda, laakiin Varane ayaa xisaabta Zidane ku jiri doona kulanka Granada ee Khamiista soo socota.