Mushkiladdii Liverpool Oo Sannadkii Labaad Gashay, Van Dijk & Joe

Liverpool ayaa  horyaalka Premier League ku bilaaban doonta iyadoo ay ka maqan yihiin labada difaac dhexe ee Virgil van Dijk iyo Joe Gomez oo aan wali kasoo kabanin dhaawacyadii gaadhay bishii October ee sannadkii hore.

Van Dijk iyo Gomez ayaa dhaawacyo halis ahi ka gaadheen jilbaha bilowgii xilli ciyaareedkii hore ee 2020/21, taas oo dhibaato weyn ku noqotay Liverpool oo lumisay hoggaankii horyaalka ee ay waqtigaas haysay, halka ay si dirqi ah waqti dambe ku timid kaalinta saddexaad.

Maqnaanshihii labadan ciyaartoy ayaa waxay ku kallifeen Klopp in uu difaaca dhexe ka ciyaarsiiyo Jordan Henderson iyo Fabinho, taasina waxay burburisay khadkii dhexe oo noqday awood la’aan, waxaana xigtay in Henderson uu isaguna dhaawac muddo dheer ah galo.

Kaddib 10 bilood oo ay u jiifeen dhaawacyada jilibka kasoo gaadhay, Van Dijk iyo Gomez ayaan qayb ka noqonin saddex ciyaarood oo saaxiibtinimo oo ay Liverpool dheeshay maalmihii u dambeeyey xilli ay tababarka kula qaadanayaan waddanka Austria.

Khamiista toddobaadkan ayay Liverpool ciyaari doontaa kulan kale oo saaxiibtinimo oo ay kula ballansan tahay Hertha Berlin oo ay Austria ku kulmi doonaan, laakiin tababare Klopp ma filayo in ay qayb ka noqon karaan maadaama aanay wali taam ahayn, taas oo ka dhigan, in xataa horyaalka Premier League ay seegi doonaan bilowgiisa maadaama saddex usbuuc kaddib uu bilaabmayo.

Klopp oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Nasiib-darro, ma noqon doonto wax lala yaabo [in Van Dijk iyo Gomez ay maqnaadaan], laakiin waxay u muuqdaan inay fiican yihiin.

“Bal eeg, waxay ila tahay inay wax walba sameeyaan, inay kubadda ciyaaraan, in ay nala sii tababartaan, in aanu samayno wixii aanu qaban karayno, iyaguna shaqooyinka aadka ah uma qaban karayaan sida ciyaartoyda kale.

“Waa in aanu u samirno, isku diyaarino xilli ciyaareed dhamaystiran kaliya ma aha kulamada saaxiibtinimo. Anigu khatar kuma gelin doono ciyaar halkan [Austria] ka dhacaysa, markaa waynu eegi doonaa.”

Si gaar ah ayaa loo weydiiyey in uu sheego muddada ay sii maqnaan doonaan, waxaanu ku jawaabay: “Waxa nagu soo fool leh kulamo badan iyo ciyaaro saaxiibtinimo, laakiin ma filayo in ay qayb ka noqon doonaan ciyaarta xiga [Khamiista]”

Liverpool ayaa xalay 1-0 kaga badisay Mainz 05, waxaanay ahayd ciyaartii saddexaad ee saaxiibtinimo ee ay ciyaarto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More