MUHIIM: Miyaa Gabi Ahaanba La Kansalayaa Kulanka Real Madrid vs
Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ka hadlay murankii dhawaan uu dhaliyay tartankii European Super League iyo nooca talaabo ee laga qaadayo kooxaha ku lug lahaa.
Kulamada afar dhammaadka Champions League ayaa ah kuwo toddobaadka dambe loo mudyeeyay, mid kamida labada kulan ee dhacaya ayaa dhex maraya Real Madrid iyo Chelsea oo labaduba qayb ka ahaa kooxaha yagleelay Super League.
Aleksander Ceferin oo la hadlayay muuqbaahiyaha ree Slovenia ee 24UR ayaa sheegay in xilli ciyaareedkani horeba u bilawday isla markaana sidaas ku dhammaan doono balse diiday inuu beeniyo inay jirto suurogalnimo kulankaas lagu kansali karo isaga oo wax macquul ah ku tilmaamay.
“Muhiimadu waxa weeye in xilli ciyaareedkani xilli horeba bilaabmay, sidaas darteed baahiyayaasha ciyaaraha ayaa anaga noo iman doona oo nagu qabsan doona dhaawac aanu ugu geysanay inaan afar dhammaadka la ciyaarin” ayuu ugu horreynba yidhi Ceferin.
“Sidaas darteed waxa jirta suurogalnimo yar oo aan kulankan lagu ciyaarayn toddobaadka dambe laakiin arrimuhu sidaas wax yar ayay ka duwanaan karaan mustaqbalka”
Dhinaca kale waxa la weydiiyay hadalkii madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo ahaa ninka waday qorshaha Super League uu ku sheegay inuusan doonayn isaga oo ah madaxweynaha UEFA, Ceferin ayaa ku jawaabay in taasi kaliya ay kusii dhiirigelinayso inuu sii joogo maadaama oo Perez uu rabo shaqsi isaga ka amar qaata waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Hagaag, taasi waxa ay kaliya in badan igu dhiirigelinaysaa inaan joogo, isagu waxa uu doonayaa madaxweyne adeeca waxkasta oo uu yidhaa, mid isaga dhagaysta oo qabta waxa uu yidhaahdo. Anigu waxaan qabtaa waxaan filayo inuu u wanaagsan yahay kubadda cagta Yurub iyo mida aduunka”
Your browser does not support the audio element.