Mourinho Oo Tilmaamay Qaladkii Uu Sameeyey Didier Deschamps Ee Sababay

Jose MOurinho ayaa rumaysan in Didier Deschamps uu sameeyey qalad dilaa ah xilligii ciyaartoyda xulka qaranka dalkaasi tuuranayeen rikoodheyaasha kulankii cawayskii xalay ee Switzerland.

France ayaa u muuqday in ay u gudbeen wareegga siddeedda markii uu Karim Benzema u dhaliyey laba gool oo degdeg ah, mid kale oo meel fog uu ka toogtayna uu u raaciyey Paul Pogba, kuwaas oo meesha ka saaray gool waqti hore ahaa oo uu Haris Seferonic u dhaliyey Switzerland.

Laakiin tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ayay Switzerland dhalisay laba gool, taas oo keentay in waqtigii caadiga ahaa kusoo dhamaado 3-3. Waqti dheeraad ah oo lagu daray oo aan wax goolal ah la iska dhalin kaddib, waxa la dhigay rikoodheyaal uu Kylian Mbappe ka khasaariyey kubaddiisii, sidaas ayaanay kaga hadheen tartanka.

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa ku eedeeyey Deschamps guul-darradaas, sababtana waxa uu ku sheegay go’aan uu qaatay daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta.

Mourinho ayaa tilmaamay in uu Deschamps qalad ku sameeyey beddelkii Antoine Griezmann iyo keenistii Moussa Sissoko.

“Faransiisku waxay ciyaarayeen kubbad cajiib ah, sida ay natiijada u beddeleen ayaa cajiib ahayd, goolka hore ee Benzema ayaa layaab lahaa, goolka saddexaad ee Pogba nna wuxuu ahaa mid heersare ah. Laakiin Deschamps ayaa sameeyey qalad aan ka fikiray marar aad iyo aad u badan.” Ayuu yidhi Mourinho.

Isagoo sii faahfaahinaya qaladka Deschamps, waxa uu yidhi: “Marka ay ciyaartu marayso meel ay suurtogal tahay waqti dheeraad ah, waa inaad aad uga taxadarto beddelladaada.

“Marka aad beddel samaynayso daqiiqaddii 89aad ee aad saarayso ciyaaryahannadaadii ugu wanaagsanaa, Griezmann oo si cajiib ah u dheelayay ee aad ku beddesho Sissoso.

“Haddii ay ciyaartu tahay mid aan waqti dheeraad ah lagu daraynin, waa caadi. Laakiin haddii ay suurtogal tahay waqti dheeraad ah, waa wax weyn, sababtoo ah marka aad samayso beddelkaas haddii ay kaa dhaliyeen daqiiqadda 91aad ama 92aad waxa aad tegi karaysaan waqti dheeraad ah, kaddibna waxaad qaadanaysaan rikoodheyaal iyadoo uu Girezmann baxay waqtigii dheeraadka ahaa.

“Waqtiga dheeraadka ahna ma maamuli kartid xaaladaha nasiib-darrada ah, waxa dhaawacmay Benzema ama dareemay wax, sidaas ayaad ku weydeen labadii weeraryahan ee ugu fiicnaa. Kaddib Faransiisku marna ma dareemin in ay guuleysanayaan sababtoo may lahayn awooddii ay ku guuleysan lahaayeen.

“Waxay ila tahay, in Deschamps uu waqtigaas ogaaday inuu sameeyey qalad, waana wax ku dhici karaya mid naga mid ah [tababareyaasha], laakiin khibradda ayaa  na caawisa.

“Marka aad gelayso waqti dheeraad ah ee ay suurtogal tahay, lama saaro mid ka  mid ah ciyaartoydaada ugu wanaagsan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More