Mohamed Salah Oo Uu Ku Dhacay Korona Fayras, Firmino

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayuu ku dhacay Korona Fayras, kaddib markii uu ka qayb-galay xaflad aroos oo ka dhacday waddankiisa, sida uu shaaciyey xidhiidhka waddanka Masar ee Egyptian FA.

Mohamed Salah ayaa ka qayb-galay xaflad aroos oo uu dhigtay walaalkii, halkaas oo uu dadka dhexdooda joogay, isla markaana qoob ka ciyaar kusoo bandhigay.

Xidhiidhka Masar ayaa xaqiijiyey in laacibkan oo ay ahayd inuu kulamada caalamiga ah ee toddobaadkan u ciyaaro Masar laga saaray liiska ciyaartoyda kaddibv markii laga helay xanuunkan maalin maalmo kaddib markii uu ka qayb-galay xafladda arooska walaalkii.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka Masar ayaa lagu sheegay in aanu laacibkani lahayn calaamadihii xanuunka, laakiin baadhitaan lagu sameeyey lagu ogaaday inuu fayraska Korona ku jiro jidhkiisa, sidaa darteedna looga saaray ciyaartoyda ka hor tegaya Togo oo ay ku ballansan yihiin kulan ka tirsan isreeb-reebka tartanka Qaramada Afrika.

“Baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyey kooxda koowaad ee qaranka ayaa waxa uu muujiyey in ciyaartoygayaga Mohamed Salah ee ah xiddiga Liverpool uu qabo Korona Fayras. Inkasta oo aanay ka muuqanin calaamado… Xubnaha kale ee ciyaartoyda ayaa badqab ka ah.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

BREAKING: The Egyptian FA confirms Mo Salah has tested positive for COVID-19 pic.twitter.com/yBtx5qUamw

— B/R Football (@brfootball) November 13, 2020

Warkan oo argagax kale ku ah Liverpool oo usbuucan ay ka dhaawacmeen Joe Gomez oo xili ciyaareedka aan rajo laga  qabin inuu kusoo laaban doono iyo Alexander-Arnold oo muddo afar usbuuc ah u jiifaya dhaawac muruqa ah, ayaa waxa uu madax xanuun ku yahay Jurgen Klopp oo ciyaartooyo la’aani ku habsanayso kulanka Leicester City ee toddobaad kaddib.

Reds ayaa waxa kale oo lagu soo warramayaa inay karantiil ka geli doonaan Firmino iyo Alisson Becker oo xulka qaranka Brazil ku maqan, balse looga shakisan yahay xanuunkan kaddib markii ciyaartoy xulka qaranka ay ku wada jiraan laga helay xanuunkan xalay.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay inay suurtogal tahay in Firmino iyo Alisson lagu qasbo inay galaan 14 maalmood oo karantiil ah maadaama ay xidhiidh la lahaayeen qof xanuunku ku dhacay.

Waxa kale oo Liverpool ka nixiyey Andy Robertson oo xalay u saftay xulka qarankiisa Scotland oo uu ka caawiyey inay usoo baxaan Euro 2020 balse warbaahinta u sheegay inuu ciyaartan ku dheelayay isagoo muruqa xanuun ka dareemaya.

Halkan ka daawo Mohamed Salah oo ka ciyaaraya arooska walaalkii:

Mo Salah tests positive for Covid after doing this at a wedding. Seriously, we need to stop players leaving their club bubbles amid this pandemic.

International breaks are not working on so many levels #LFC pic.twitter.com/02WzezFVuk

— Kevin Palmer (@RealKevinPalmer) November 13, 2020

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More