Miyuu Aubameyang seegi doonaa isku dhaca Manchester City iyo Arsenal?

Taageerayaasha Arsenal ayaa heli doona war cusub oo ku saabsan hadii kabtan Pierre Emerick Aubameyang uu ka qeyb qaadan doono kulanka habeen dambe ee Carabao Cup ee ay la leeyihiin Manchester City.

Aubameyang ayaa seegay guuldaradii Arsenal ee 2-1 ka soo gaartay Everton isbuucaan, waxaana uu weli ay ku jiraan kaalinta 15aad ee Premier League.

Kulanka City ee habeen dambe ayaa fursad u ah Gunners inay iska iloobaan qaab ciyaareedkoodii xumaa ee horyaalka isla markaana ay gaaraan wareega 4 dhamaadka Carabao Cup.

Shaqada Gunners ee kulankaas ayaa sii xoogeysatay markii Arteta uu maanta ku dhawaaqay in Aubameyang uu wali sii maqnaan doono.

Mikel ayaa isaga oo xaalada Auba ka hadlaya yidhi “Auba taam maaha berrito, taasi waa hubaal, waxa uu dareemayaa inuu sidii hore aad uga wanaagsan yahay shalay ayuu ka fiicnaa labadii maalmood ee hore, tijaabo ayuu mari doonaa dhawrka maalmood ee soo socda waanaynu arki doonaa sida dhakhsaha leh ee aan dib ugu heli karno”

“Isagu wuu og yahay sida uu muhiimka noogu yahay anaga, wuu dareemayaa masuuliyada waxaana uu isku dayayaa sidiisa ugu fiican inuu taam u noqdo sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan”

Arsenal ayaa wakhtiga adag ee ay marayso ay u raacaan kulamo adag waxaana kaddib ciyaarta City ee habeen dambe ay maalinta Boxing Day-ga la ciyaari doonaan kooxda ay London ku xifaaltamaan ee Chelsea”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More