Miyay Real Madrid Ka Quusatay Ku Guuleysiga La Liga Kaddib
Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ka hadlay haddiiba ay kooxdiisu ka quusatay fursada ay ugu guuleysan karto horyaalka La Liga kaddib markii ay xalay gegida Alfredo Di Stefano bar-bardhac kula gashay dhigeeda Real Betis.
- Advertisement -
Real Madrid ayaa hadda laba dhibcood ka dambaysa kooxda hoggaanka haysa ee Atletico Madrid oo waliba iyadu kulankeedii toddobaadkan caawa booqanayso gegida San Mames iyo kooxda Athletic Bilbao.
Intaas waxa dheer in Barcelona oo hadda kulamadaas la ciyaaray laba kulan ka yar Real Madrid ay isku dhibco noqon doonaan haddii ay guuleysato kulanka ay Villarreal u tagayso galabta.
Haddaba, tababare Zinadine Zidane oo kulanka kaddib hadlay ayaa sheegay in ay shan kulan hadheen oo ay laba dhibcood ku lumiyeen ciyaartaas balse aysan rajo dhigayn oo ay dagaalami doonaan ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.
Zizou ayaa yidhi “Horyaalka shan kulan ayaa ka hadhay, taasi waa waa wax badan, waxaanu luminay laba dhibcood laakiin dagaalka waanu sii wadaynaa”
“Daafac ahaan waanu fiicnayn laakiin weerar ahaan wax badan ayaa naga dhinaa manaanu ahayn kuwo aad u wanaagsan, horyaalku maanta ma dhammaan, hoyaalku wuu hadhsan yahay, kooxaha kale waa inay ciyaaraan”
Real Madrid ayay ka maqnaayeen Toni Kroos oo khadkeeda dhexe muhiim u ah iyo daafaca bidix ee Ferland Mendy balse waxa 15 daqiiqo oo muhiim ah ciyaaray Eden Hazard kahor kulanka afar dhammaadka Champions League ee Chelsea ee Salaasada.
Your browser does not support the audio element.