Miyay Jirtaa Koox Ku Guuleysatay Saxeexa David

Wakiilka daafaca dhexe ee Bayern Munich ee David Alaba oo lagu magacaabo Pini Zahavi ayaa shaaca ka qaaday waxa ka cusub mustaqbalka ciyaaryahankiisa oo qaab bilaash ah lagu heli karo suuqa xagaaga sanadkan isla markaana ay kooxaha ugu waaweyn Yurub ku dagaalamayaan.

Alaba ayaa ah mid kamida ciyaaryahanada suuqa yaala hadda kuwooda ugu wanaagsan iyadoo lala xidhiidhinayo kooxo laga xusi karo Real Madrid, Barcelona, Paris Saint-Germain iyo Chelsea.

Alaba ayaa xilli horeba si rasmi ah u xaqiijiyay inuu xagaaga ka tagayo Bayern Munich kaddib 13 sano oo uu joogay, dalabkiisa aadka u sarreeya ayaa ka dhigay mid ka tagaya Allianz Stadium maadaama oo ay kooxdiisu diiday bixinta mushaharka uu dalbanayo.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa hoggaanka u haya saxeexa David Alaba iyadoo waliba Madrid ay tahay kooxda booska ugu wanaagsan u joogta.

Wakiil Pini Zahavi oo la hadlay wargeyska Germany kasoo baxa ee Kicker ayaa sheegay in aysan wali jirin koox gaar ahi balse ay dhammaan kooxaha wadahadalo kula jiraan iyadoo ciyaaryahanku uu ugu dambayn dooran doono kooxda uu doonayo.

Zahavi oo xogtii ugu dambaysay ee mustaqbalka kabtanka Austria siinaya Kicker ayaa yidhi “David ayay tahay inuu doorto cida ku guuleysanaysa tartanka, wali waxaanu la hadlaynaa kooxo kale, ma jiro wakhti cayimani”

Maadaama oo uu Zahavi sheegay inuusan jirin wakhti go’ani, waxa macquul ah inaan mustaqbalka Alaba la xalin ilaa kaddib tartanka Euro halkaas oo uu xulkiisa Austria hoggaamin doono Group ay la wadaagaan Netherlans, Ukraine iyo North Macedonia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More