Miyaa Mourinho Qosolka Lagaga Dambeeyaa? – Akhriso Lacagta Waalida Ah

Jose Mourinho ayaa maanta la tusiyey albaabka Tottenham, iyadoo laga eryey shaqada kaddib barbarrihii ay kooxdu Jimcihii la gashay Everton, ayna ka horreysay guul-darro Manchester United u xambaarisay toddobaadkii ka horreeyey.

Tababaraha reer Portugal ee 58 jirka ay ayaa shaqada laga caydhiyey maalmo ka hor finalka Carabao Cup/ELF Cup ee ay Tottenham la ciyaarayso Manchester City, waxaanay taasi dhaawac ku noqon kartaa in, u diyaar-garowgii Sprurs ee kulankan maadaama ay qasab tahay in tababare cusub uu xilkan qabto.

Rikoodhka guulaha Jose Mourinho ee Tottenham ayaa ahaa 51%, waxaanu xataa kasii hooseeyey macallinkii ka horreeyey ee Mauricio Pochettino oo celceliska guulihiisu ahaayeen 54 iyo dheeraad boqolkiiba, taas oo ka dhigan in uu ka liitay ninkii uu beddelay.

Markii shaqadan loo magacaabay November 2019, waxay Tottenham ku jirtay kaalinta 14aad ee miiska kala-sarraynta, waxaanu xilli ciyaareedkaas hore keenay kaalinta lixaad oo ay kaga dhamaysatay horyaalka Premier League, laakiin tartankii ay ka qayb-galeen ee Europa League ayay kooxda yar ee Dynamo Zagreb si xun uga reebtay, halka maanta oo shaqada laga caydhiyeyna ay Spurs fadhido kaalinta toddobaad.

Daniel Levy oo ah mulkiilaha iyo guddoomiyaha Tottenham ayaa qaatay go’aan adag oo uu ku eryayo Mourinho, kaas oo kaliya aan dhibaato ku ahayn macallinka la caydhiyey iyo kooxda oo ciyaar adg sugayso, balse sidoo kale saamayn ku yeelanaya miisaaniyadda iyo xisaabaadka Spurs.

Kaddib shaqo ka caydhinta, Jose Mourinho ayaa Tottenham ka heli doona lacag magdhow ah oo aad u badan, taas oo waliba Spurs ay ku adag tahay in ay bixiso waqtigan maadaama dhaqaale xumo ku dhacday.

Sida uu dhigayo heshiiskii uu tababarahani kula jiray Tottenham, waxa uu heli doonaa lacagta muddadii ka hadhsanayd qandaraaskiisa oo noqonaysa £15 milyan oo Gini.

Sidan oo kale ayuu Mourinho lacago magdhow ah uga soo qaatay Chelsea oo laba jeer oo kala duwan eriday, Real Madrid iyo Manchester United, iyadoo saddexaad kooxood uu magdhow ahaan uga qaatay £77.5 milyan oo Gini.

Sannadkii 2007, Jose Mourinho ayaa ka qaatay Chelsea lacag dhamayd £18 milyan, waxa ku xigtay Real Madrid oo uu iyagana ka helay £17 milyan oo Gini, kaddib Chelsea oo uu kusoo noqday oo haddana eriday ayaa uu magdhow uga qaatay £12.5 milyan oo Gini, halka Manchester United ay siisay markii ay caydhisay £15 milyan oo Gini iyo ugu dambayntii Tottenham oo ku qasban in ay bixiso £15 milyan oo Gini.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More