Min Saddexleyda Weerar Ee 20-ka Kooxood Ee Premier League Oo

Kooxdee wakhtigan haysata saddexleyda weerar ee ugu fiican dhammaan kooxaha wakhtigan qaybta ka ah Premier League? waa su’aal aan jawaab toos ah laga bixin karin sababtoo ah xiddigaha caalamiga ah ee ay weerarka ku haystaan kooxahaasi.

Kooxaha loo yaqaano lixda waaweyn ee Premier League ayaa dhammaan haysta saddexleyo weerar oo wanaagsan halka ay jiraan kooxo kale oo haysta weeraro aad u wanaagsan.

Leicester City, Wolves, Everton iyo Aston Villa ayaa ah kooxo ka baxsan lixda kooxood ee sarre ee Prmeire League laakiinse haysta saddexleydo weerar ee heer sarre ah.

Haddaba, iyadoo ay adagtahay in la qiimeeyo ayuu haddana il-wareedka FourFourTwo qiimayn ku sameeyay sida ay u kala fiican yihiin dhammaan weerarada dhammaan 20-ka kooxood ee PL wakhtigan ku tartama.

Booska koowaad ayay sida la qiyaasan karo xoraysteen xiddigaha Liverpool ee Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Diogo Jota oo isagu kasoo hormaray Roberto Firmino.

Booska labaad ayay si lama filaan ah usoo galeen afka hore ee Tottenham, saddexleydan oo ay dad badani u arkaan kuwa ugu wanaagsan imika horyaalka ayaa kala ah Hueng Min Son, Harry Kane iyo Gareth Bale.

Xiddigaha Manchester City ayaa booska saddexaad ku jira, dhigooda Chelsea ayaa afraad ah halka Everton ay kasoo hormartay Man United iyo Arsenal.

Qiimaynta FourFourTwo Oo Dhammaystiran

20. Sheffield United (Rhian Brewster, David McGoldrick and Oliver Burke)

19. Brighton (Neal Maupay, Aaron Connolly and Leandro Trossard)

18. West Brom (Matheus Perreira, Grady Diangana and Karlan Grant)

17. Burnley (Dwight McNeill, Chris Wood and Jay Rodriguez)

16. Fulham (Aleksandar Mitrovic, Ademola Lookman and Ivan Cavaleiro)

15. Crystal Palace (Michy Batshuayi, Wilfried Zaha and Andros Townsend)

14. Newcastle (Callum Wilson, Allan Saint-Maximin and Ryan Fraser)

13. Leeds United (Helder Costa, Patrick Bamford and Rodrigo Moreno)

12. Southampton (Danny Ings, Che Adams and Nathan Redmond)

11. West Ham (Michail Antonio, Jarrod Bowen and Said Benrahma)

10. Arsenal (Nicolas Pepe, Bukayo Saka and Pierre-Emerick Aubameyang)

9. Aston Villa (Trezeguet, Ollie Watkins and Jack Grealish)

8. Leicester City (Jamie Vardy, Harvey Barnes and Cengiz Under)

7. Wolves (Pedro Neto, Raul Jimenez and Adama Traore)

6. Manchester United (Mason Greenwood, Marcus Rashford and Anthony Martial)

5. Everton (James Rodriguez, Dominic Calvert-Lewin and Richarlison)

4. Chelsea (Christian Pulisic, Timo Werner and Hakim Ziyech)

3. Manchester City (Raheem Sterling, Sergio Aguero and Riyad Mahrez)

2. Tottenham (Heung-min Son, Harry Kane and Gareth Bale)

1. Liverpool (Sadio Mane, Mohamed Salah and Diogo Jota)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More