Miiska Kala Sareynta Premier League Ee Tan Iyo Markii

Manchester United ayaa guuldarro 1-0 ka soo gaartay Arsenal Axadii iyadoo ay aheyd kulankii 100aad ee Solskjaer uu hogaamiyo kooxda Shayaadiinta Cas Cas.

Miiska kala sareynta Premier League ee tan iyo markii tababaraha reer Norway loo dhiibay shaqada Manchester United ayaa niyad xumo ku abuuraya taageerayaasha United.

Halyeeyga Old Trafford Roy Keane ayaa durbaba sheegay in ciyaartoyda haatan ee Man United ee sabab u noqon doonaan in la ceyriyo saaxiibkiisii hore ee ay isku kooxda ahaayeen.

Solskjaer ayaa shaqada United loo dhiibay ka dib guulo uu gaaray isagoo tababare ku meel gaar ah markii uu bedel Jose Mourinho.

52 kulan uu qabtay horyaalka tan iyo markii tababare joogta ah loo magacaabay bishii March 2019, 47 jirkaan ayaa arkay kooxdiisa oo badineysa kaliya 22 kulan oo ah kala bar inta ay badisay Liverpool 44 kulan.

Red Devils waxay ku jiraan kaalinta 7aad iyagoo 55 dhibcood ka danbeeya kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool.

81 dhibcood ee ay heleen mudadii uu Solskjaer tababaraha u ahaa ayaa ka dhigeysa inay xitaa ka hooseeyaan kooxda Wolves inkastoo Man United ay kaalinta 3aad ku dhameysatay xilli ciyaareedkii hore.

Xitaa Tottenham oo iska ceyrisay Mauricio Pochettino ayaa ka sareysa kooxda Solskjaer.

Waxaa cajiib ah in Ole Gunnar Solskjaer uu hal guul kaliya dheer yahay macalinka kooxda Southampton Ralph Hasenhuttl mudadii 52da kulan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More