Midkee Ku Wanaagsana Falanqaynta Ciyaaraha Khubarada Roy
Waxa la qiimeeyey khubarada ciyaaraha ee telefishannada ka falanqaysa kulamada tooska u dhacaya, kuwaas oo soo fadhiista istuudiyeyaasha TV-yada laga leeyaha waddanka Ingiriiska.
Sky Sports, BBC Sports iyo BT Sports ayaa ah telefishannada laga leeyahay British ka ah ee ciyaaraha sida tooska ah u tabiya iyagoo istuudiyaha ku diyaariya ciyaartooyo hore uga fadhiistay ciyaaraha oo falanqayn ku sameeya kulamada ka hor inta aanay bilaabmin, xilliga nasashada iyo ciyaarta kaddibba.
30 ciyaartoy oo hore oo telefishannadan soo fadhiista oo ay ku jiraan rag caan ku ahaa garoomada, sida Roy Keane ayaa usbuuc walba kasoo muuqda telefishannada, waxaana qiimayn lagu sameeyey kaalinta ugu hoosaysa ee fadeexadda ah galay Sue Smith.
Dion Dublin ayaa noqday khabiirka loogu jecel yahay dhinaca taageereyaasha, waxaana waliba si fiican loogu qaddariyaa dhinaca baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka.
Rio Ferdinand iyo Micah Richards ayaa kaalmaha labaad iyo saddexaad soo galay sida ay u kala horreeyaan, waxaana afraad cidhiidhsaday Chris Kamara halka uu afraad noqday.
Halyeygii khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Scholes oo ka mid ah falanqeeyeyaasha joogtada ah iyo Owen Hargreavhes ayaa shanaad iyo lixaad soo galay, halka aLEX sCOTT, Tony Pulis, Danny Mills iyo Lee Dixon ay dhamaystireen tobanka ugu sarreeya ee ay jamaahiirtu ugu jecel yihiin.
Halkan kaga bogo sida ay u kala horreeyaan falanqeeyeyaasha ee ay taageereyaashu u kala xiiseeyaan:
30. Sue Smith
29. Garth Crooks
28. Jermaine Jenas
27. Michael Owen
26. Graeme Souness
25. Clinton Morrison
24. Steve McManaman
23. Glenn Hoddle
22. Chris Sutton
21. Paul Merson
20. Martin Keown
19. Jamie Redknapp
18. Roy Keane
17. Danny Murphy
16. Ian Wright
15. Alan Shearer
14. Gary Neville
13. Matt Le Tissier
12. Robbie Savage
11. Jamie Carragher
10. Lee Dixon
9. Danny Mills
8. Tony Pulis
7. Alex Scott
6. Owen Hargreaves
5. Paul Scholes
4. Chris Kamara
3. Micah Richards
2. Rio Ferdinand
1. Dion Dublin