Mid kamid ah tababarayaasha kooxaha waaweyn ee yurub

Tababaraha kooxda Dinamo Zagreb Zoran Mamic ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo shaqada tababaranimo ee kooxda kadib markii lagu soo eedeeyay musuq maasuq.

Diyaar garowgii kooxda Dinamo Zagreb ee kulanka UEFA Europa League ee khamiista ay la ciyaari doonaan kooxda Tottenham Hotspurs ayaa ka maqnaa.

Sida laga soo xigtay kooxda reer Croatia, tababare Mamic ayaa isla markiiba iska casilay xilka tababaranimo ee kooxda isla markii xukunkiisa la xaqiijiyay.

“Xitaa haddii aanan dambi dareemin, waxaan iska casilayaa sidii aan horay u sheegay haddii xukunka la xaqiijiyo. Waxaan wanaag u rajaynayaa kooxda,” ayuu yiri Zoran Mamic.

Kooxda Dinamo ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Damir Krznar loo magacaabay macalinka cusub ee kooxda kadib is casilaadii Mamic.

Sida maxkamadda ay sheegtay Zoran Mamic waxaa lagu xukumi doonaa afar sano iyo sideed bilood oo xabsi ah iyadoo seddex bilood laga dhigi doono afar sano iyo 11 bilood.

Maxkamada ayaa sidoo kale shaacisay in agaasimihii hore ee isboortiga Dinamo Zagreb Damir Vrbanovic lagu xukumay seddex sano oo xabsi ah.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta lunsashada canshuuraha oo lagu eedeeyay musuq maasuq $ 12.2 milyan ($ 1.9 milyan) oo canshuur ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More