Michael Owen & Mark Lawrenson Oo Saadaaliyey Finalka Euro 2020 –
Michael Owen iyo Mark Lawrenson ayaa isku raacay in kulanka Finalka Euro 2020 ee habeenka Axadda ee garoonka Wembley, in lagu dari doono waqti dheeraad ah oo aan lagu kala bixi doonin 90ka daqiiqadood.
England ayaa timid finalkeedii ugu horreeyey tan iyo 1966kii, waxaanay u dagaallamayaan in ay koobkan ku guuleystaan markii ugu horreysay.
Tababare Gareth Southgate ayuu xulkiisu ku yimid finalka rikoodhe waqtigii dheeraadka ahaa ee semi-finalkii Denmark loo dhigay, kaas oo uu saxeexay Harry Kane, waxaana kasii horreeyey oo ay kasoo badiyeen Ukraine iyo Germany.
Talyaaniga ayaa iyaguna waxa aan dhinacooda dhulka la dhigin 33 ciyaarood oo isku xiga, waxaanay wada guuleysteen dhamaan kulamadii tartanka Euro, halka ay labadii kulan ee u dambeeyeyna kusoo karbaasheen labada waddan ee awoodda badan ee Belgium iyo Spain.
Weeraryahankii hore ee xulka England iyo Liverpool ee Michael Owen iyo difaacii Liverpool iyo England ee Mark Lawrenson ayaa labaduba saadaal ka bixiyey ciyaartan, waxaanay ka midoobeen hal arrin oo ah in waqti dheeraad ah lagu dari doono ciyaarta oo 90ka daqiiqadood ay ku dhamaan doonaan 1-1, laakiin waxay ku kala aragti duwanaadeen natiijada ugu dambaysa oo uu midna rikoodheyaal istaagay, kan kalena gool xilliyada dhamaadka dhalanaya.
Labadan khabiir ayaa waxa kale oo ay ka midoobeen dalka ku guuleysanaya koobka iyagoo la saftay dhinaca waddankooda oo ay ka dhacayso ciyaarta finalka.
Wayne Rooney ayaa saadaashiisa ku sheegay in ay 1-1 ku dhamaan doonto ciyaaartu, isla markaana lagu dari doono waqti dheeraad ah oo Ingiriisku gool heli doono, guushana iyo koobkana uu xulka England ku heli doono 2-1.
Mark Lawrenson ayaa isaguna saadaaliyey in 1-1 ay ciyaartu ku dhamaan doonto, 30 daqiiqadood oo dheeraad ah oo lagu dari doonaana aanay waxba ka beddelin natiijada. Lawro waxa uu intaa raaciyey, in xulka England uu rikoodheyaal ku badin doono.