Mesut Ozil ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay

Mesut Ozil ayaa si cad u muujiyay calaamadiisa kadib guuldaradii ugu dambaysay ee Arsenal ee premier League.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka, oo laga reebay safka Gunners ee xilli ciyaareedkaan Premier League iyo Europa League, ayaa bartiisa Twitter-ka ku muujiyay murugo iyo ilmo.

Ozil waa ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda waana ciyaaryahanka ugu waqtiga dheer Arsenal laakiin ma uusan ceyrin Gunners xilli ciyaareedkaan oo dhan.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa qaatay go, aan la yaab leh oo uu ku fasaxay xiddigii ku guulaystay koobka adduunka premier League iyo Europe League.

Hadana wuxuu umuuqdaa inuu ka qoomameynayo go’aankiisa.

Arsenal ayaa baahi weyn u qabta xiddig sarre oo haatan kaalinta 15-aad kaga jira kala saraynta horyaalka una dhaw in uu u laabto heerka labaad.

Arteta waxaa saaran cadaadis xoogan wuxuuna qarka u saaran yahay in shaqada laga ceyriyo madaama Arsenal aysan badinin todobadii kulan ee ugu dambeysay.

Ozil ayaa ka careysan xaalada kooxdiisa iyo sida uusan u caawin karin, waxaana la filayaa in hadii Arteta uu ka badbaado xil ka qaadista uu Ozil dib ugu soo celin doono kooxda bisha Janaayo.

??

– Mesut Özil (@ MesutOzil1088) Diisambar 19, 2020

Taageerayaasha Arsenal ayaa aad uga carooday Mikel Arteta oo aan qaban shaqadiisa, waxaana la sugayaa talaabada xigta ee kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More