Messi-Suarez, Ronaldo-Benzema, Drogba-Lampard: Xiddigihii
Lamaanneyaashii weeraraka ee gool-dhasha ugu badan dhaliyey qarnigan 21aad ayaa lasoo saaray, waxaana kaalinta koowaad ku wada jira Lionel Messi iyo Luis Suarez oo hal xilli ciyaareed gudihii dhaliyey 100 gool, waxaana sidoo kale laga furfuri kari waayey kaalinta labaad oo ay isla iyaga uuni ku jiraan.
Lionel Messi ayaa xilli ciyaareedkii 2015/16 waxa uu dhaliyey 59 gool, waxaana 41 kale ku daray Luis Suarez, waxaanay isku-geynta goolashoodu noqotay 100.
Xilli ciyaareedkan oo ay Barcelona ku guuleysatay horyaalka Spain ee Laliga, ayaa waxay calfan waayeen tartanka Champions League, iyagoo haysta weerarka ugu wanaagsan dunida oo ka koobnaa Messi, Suarez iyo Neymar, waxaana koobka UCL oo ay haysteen ka ridatay Real Madrid oo ay u bilaabantay saddex sannadood oo xidhiidh ahaa.
Inkasta oo Messi iyo Suarez ay xilli ciyaareedkan dhaliyeen goolashoodii ugu badnaa marka la isku-geeyo, haddana Lionel Messi uma ahayn sannadkii uu ugu goolasha badnaa, waxaanu ka badnaa xilli ciyaareedkii 2011-12 oo uu kalidii saxeexay 73 gool.
Min Suarez-Messi, Ronaldo-Benzema, Messi-Eto’o, Messi-Pedro, illaa laga soo gaadhayo Ruud van Nistelrooy iyo Paul Scholes, waxa taariikhda qarnigan ku jira 60 ciyaartoy oo hal xilli ciyaareed gudihii dhaliyey goolal tiradoodu ka badan tahay 62 gool.
Halkan ka akhriso ciyaartoyda wada-dhaliyey goolashii ugu badnaa:
30. Cristiano Ronaldo (42) & Alvaro Morata (20) – 62 goals (Real Madrid – 2016/17)
29. Kylian Mbappe (39) & Edinson Cavani (32) – 62 goals (Paris Saint-Germain – 2018/19)
28. Ruud van Nistelrooy (44) & Paul Scholes (20) – 64 goals (Manchester United – 2002/03)
27. Didier Drogba (37) & Frank Lampard (27) – 64 goals (Chelsea – 2009/10)
26. Cristiano Ronaldo (44) & Gareth Bale (21) – 65 goals (Real Madrid – 2017/18)
25. Zlatan Ibrahimovic (41) & Edinson Cavani (25) – 66 goals (PSG – 2013/14)
24. Edinson Cavani (49) & Lucas Moura (19) – 68 goals (PSG – 2016/17)
23. Edinson Cavani (40) & Neymar (28) – 68 goals (PSG – 2017/18)
22. Klass-Jan Huntelaar (48) & Raul (21) – 69 goals (Schalke – 2011/12)
21. Edin Dzeko (35) & Grafite (35) – 70 goals (Wolfsburg – 2008/09)
20. Lionel Messi (47) & Pedro (23) – 70 goals (Barcelona – 2009/10)
19. Mohamed Salah (44) & Roberto Firmino (27) – 71 goals (Liverpool – 2017/18)
18. Lionel Messi (38) & Samuel Eto’o (36) – 74 goals (Barcelona – 2008/09)
17. Robert Lewandowski (42) & Thomas Muller (32) – 74 goals (Bayern Munich – 2015/16)
16. Lionel Messi (51) & Luis Suarez (23) – 74 goals (Barcelona – 2018/19)
15. Cristiano Ronaldo (55) & Karim Benzema (20) – 75 goals (Real Madrid – 2012/13)
14. Cristiano Ronaldo (51) & Karim Benzema (24) – 75 goals (Real Madrid – 2013/14)
13. Zlatan Ibrahimovic (50) & Edinson Cavani (25) – 75 goals (PSG – 2015/16)
12. Lionel Messi (53) & David Villa (23) – 76 goals (Barcelona – 2010/11)
11. Lionel Messi (60) & David Villa (16) – 76 goals (Barcelona – 2012/13)
10. Lionel Messi (45) & Luis Suarez (31) – 76 goals (Barcelona – 2017/18)
9. Robert Lewandowski (55) & Serge Gnabry (23) – 78 goals (Bayern Munich – 2019/20)
8. Cristiano Ronaldo (53) & Karim Benzema (23) – 79 goals (Real Madrid – 2010/11)
7. Cristiano Ronaldo (51) & Karim Benzema (28) – 79 goals (Real Madrid – 2015/16)
6. Cristiano Ronaldo (61) & Karim Benzema (22) – 83 goals (Real Madrid – 2014/15)
5. Lionel Messi (73) & Cesc Fabregas (15) – 88 goals (Barcelona – 2011/12)
4. Lionel Messi (54) & Luis Suarez (36) – 90 goals (Barcelona – 2016/17)
3. Cristiano Ronaldo (60) & Karim Benzema (32) – 92 goals (Real Madrid – 2011/12)
2. Lionel Messi (58) & Neymar (39) – 97 goals (Barcelona – 2014/15)
1. Luis Suarez (59) & Lionel Messi (41) – 100 goals (Barcelona – 2015/16)
Your browser does not support the audio element.