Mbappe, Lukaku & Martial – Waa Kuwee Ciyaaryahanadda Walaalaha

Ciyaartooyo badan oo walaalo ah ayaa kubadda cagta soo maray, waxaanay isugu jiraan kuwo beri hore ka fadhiistay, kuwo gabaabsi xirfaddoodu tahay, kuwo meel fiican maraya iyo ciyaartooyo hadda uun soo baxay oo laga yaabo in aanad macluumaad horeba kasii haysanin inay walaalo yihiin.

Xiddigaha caanka ahaa ee walaalladood ay iska soo garab ciyaareen amaba ay garoomada ku xafiiltameen, waxa taariikhdan casriga ah ugu cadcaddaa ilma Neville, ilma Laudrup, ilma Ferdinand, ilma Toure iyo ilma De Boer. Sidoo kale, ilma Alcantara oo ah Thiago iyo Rafinha ayaa iyaguna caan ah.

Laacibka reer France ee Kylian Mbappe ayaa isaguna leh walaal kale oo kubadda cagta ciyaara, waxaana lagu magacaabaa Jires Kembo-Ekoko. Sidaas oo kale, Hazard ayaa dhashalay labada wiil ee caanka ah ee Eden Hazard iyo Jordan Hazard.

Waxa aan marnaba la illoobi karin Gonzalo Higuain oo lahaa walaal aanay dad badan aqoonin oo isaguna kubadda ciyaari jiray.

Warbixin ay soo saaray shabakadda Transfermarkt ayaa waxay ku shaaciyey qiimihii ugu sarreeyey ee ay suuqa iibka ciyaartoyda ka joogeen walaaleyaalka kubadda ku midaysnaa, iyadoo laba kasta si gaar ah la iskugu geeyey lacagtii lagu iibsaday.

Halkan kaga bogo 27 ciyaartoy oo laba waliba dhinac walaalo u ahaayeen iyo qiimeyaashoodii:

XASUUSIN: Qiimeyaasha ciyaartoyda, waxa lagu salleeyey inta jeer ee la iibsaday oo la isku geeyey lacagtoodii. Tusalae ahaan, Romelu Lukaku oo ay Chelsea kasoo iibsatay Belgium, waxay kasii iibisay Everton, waxa kasii gadatay Manchester United oo haddana ay lacag badan kaga qaadatay Inter Milan.

27. Thiago (€47m) & Rafinha (€1.5m) Alcantara

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €48.5m

26. Sebastien (€49.8m) & Nicolas (€500k) Frey

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €50.3m

25. Thomas Partey (€50m) & Francis Narh (€500k)

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €50.5m

24. Mauro (€48.8m) and Sergio (€2.3m) Zarate

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €51.1m

23. Michy Batshuayi (€50.65m) & Aaron Leya Iseka (€1.25m)

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €51.9m

22. Nordin (€33.8m) & Sofyan (€20.5m) Amrabat

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €54.3m

21. Gini Wijnaldum (€52.5m) & Rajiv van la Parra (€2.1m)

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €54.6m

20. Dejan (€55.3m) & Davor (€800k) Lovren

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €56.1m

19. Mario (€59m) & Fabian Gotze (€250k)

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €59.25m

18. Xabi (€59.5m) & Mikel (€500k) Alonso

Isu-geynta qiimahooda suuqa:€60m

17. Anthony (€65m) & Johan (€800k) Martial

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €65.8m

16. Yaya (€49.2m) & Kolo (€18.9m) Toure

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €68.1m

15. Kevin-Prince (€44.2m) & Jerome (€27.1m) Boateng

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €71.3m

14. Diego (€48m) & Gabriel (€23.5m) Milito

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €71.5m

13. Andre (€46.9m) & Jordan (€24.6m) Ayew

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €71.5m

12. Kaka (€77.3m) & Digao (€500k)

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €77.8m

11. Samuel (€78.5m) & David (€500k) Eto’o

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €79m

10. Nemanja (€76.5m) & Uros (€3m) Matic

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €79.5m

9. Abdou (€65m) & Ibrahima (€17m) Diallo

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €82m

8. Rio (€72m) & Anton (€11.1m) Ferdinand

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €83.1m

7. Christian (€87.7m) & Jonathan Benteke (€100k)

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €87.8m

6. Paul (€105m) & Florentin (€500k) Pogba

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €105.5m

5. Lucas (€80m) & Theo (€44m) Hernandez

Isu-geynta qiimahooda suuqa:€124m

4. Kylian Mbappe (€135m) & Jires Kembo-Ekoko (€3.7m)

Isu-geynta qiimahooda suuqa:€138.7m

3. Gonzalo (€159m) & Federico (€2.6m) Higuain

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €161.6m

2. Eden (€150m) & Thorgan (€35.5m) Hazard

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €185.5m

1. Romelu (€212.6m) & Jordan (€4m) Lukaku

Isu-geynta qiimahooda suuqa: €216.6m

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More