Maxaa ku jira bogagga hore ee wargeysyada?
Cristiano Ronaldo ayaa lagu eedeeyay inuu khiyaanay saaxiibadiisa kooxda Juventus, sida ay qortay warbaahinta talyaaniga ka dib markii kooxda Serie A laga reebay Champions League.
Kooxda Andre Pirlo ayaa laga soo reebay wareega 16-ka ee FC Porto xalay iyaga oo guul 3/2 ah ka gaadhay Turin laakiin waxa bar-baro goolal la, aan ah la gashay kooxda martida ahayd markii ay ciyaartu ku dhamaatay 4-4.
Ronaldo, oo kormeeray laadka xorta ah ee Porto uu ka helay Sergio Oliveira waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray, ayaa lagu eedeeyay inuu sabab u noqday dib u dhaca Juventus.
Corriere dello Sport ayaa cinwaan uga dhigtay boggeeda hore Arbacadii nuqul ka mid ah “Ronaldo waa la khiyaamay” iyadoo soo jeedinaysa in xiddiga reer Portugal ay tahay inuu xayiro laad xor ah ka hor inta uusan dhalin.
Oliviera ayaa barbareeyay 2-2 daqiiqadii 115-aad si uu u siiyo Porto gool qaali ah oo bannaanka ah, taasoo la micno ah in goolkii Adrien Rabiot seddex daqiiqo kadib uusan waxba soo kordhin.
Isla wargayska ayaa Szczesny dusha ka saaray doorkii uu ka ciyaaray goolkii 2-aad ee Porto isaga oo sheegay in uu Goolhayaha khalad weyn galay uuna ku fashilmay badbaadinta kubada. Waxay sidoo kale xuseen in Juventus ay ku fashilantay madaama ay ku guuldareysatay inay wax gool ah ka dhaliso FC Porto, oo 10 ciyaaryahan ku ciyaartay daqiiqadii 54aad.
Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sidoo kale weeraray Andrea Pirlo iyo kulankiisii isaga oo ku tilmaamay natiijooyinkii shalay “musiibo kale oo ka dhacday champions League”.
Wargayska reer Talyaani ayaa sidoo kale si gaar ah farta ugu fiiqay Ronaldo qaab ciyaareedkiisii liitay ee ciyaarta oo dhan intii uu ku eedayn lahaa difaacii xumaa ee uu sameeyay dhamaadka ciyaarta.
Gazzetta ayaa sheegay in mustaqbalka Juve aan la hubin maadaama laga reebay Champions League siddeed dhammaadkii sanadkii labaad oo xiriir ah.
Tuttosport ayaa dhanka kale muujisay sida ay uga xun tahay qaab ciyaareedka Juventus waxayna ku tilmaamtay kuwo “cajiib ah”.
Waxay cinwaan uga dhigeen “Juve sidaas maahan” maxaa yeelay waxay rumeysan kari waayeen in Juventus ay ku guuldareysatay inay kala dirto toban ciyaartoy muddo dheer.