Maurizio Sarri, Antonio Conte, Gasperini, Allegri Mise …. Tottenham

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa xulatay tababaraheeda cusub ee ay ku beddelayso Jose Mourinho oo bishii hore shaqada laga caydhiyey, isla markaana si ku-meelgaadh ah loogu dhiibay maamulka laacibkii hore ee kooxdaas ee Ryan Mason oo dhaawacyo madaxa kasoo gaadhay ku qasbeen in uu kubadda ka fadhiisto.

Tottenham ayaa in muddo ah raadinaysay tababare cusub, waxaana hore loola xidhiidhiyey laba macallin oo si cad iskaga diiday, kuwaas oo heshiisyo u saxeexay kooxo kale.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in mulkiilaha ahna guddoomiyaha Tottenham ay miiska u saaran yihiin liis gaaban oo ay ku qoran yihiin magacyada dhawr tababare, laakiin uu midkood kaalinta koowaad kaga jiro liiskaas.

Tababareyaasha Talyaaniga ee Simone Inzaghi, Maurizio Sarri, Antoio Conte, Gian Piero Gasperini iyo Massimiliano Allegri ayaa ku jira liiska tababareyaasha Spurs ay danaynayso, laakiin dhamaantood waxa ka horreeya macallin kale oo ay adag tahay in si fudud ay Tottenham ku hesho.

Daniel Levy ayaa waxa uu xulashada koowaad ka dhigtay tababaraha Leicester Ctiy ee Brendan Rodgers oo uu rumaysan yahay in uu yahay kan ugu habboon ee dib u dhisi karaya Tottenham iyadoo aan la siinin lacago badan oo uu ciyaartooyo kusoo iibsado sida uu dib ugu soo celiyey Leicester oo kale.

Laakiin tababarahan 45 jirka ah ayay adag tahay in si fudud ay ku hesho Tottenham maadaama uu heshiis kula jiro Leicester Metropolis oo kaalinta afraad ku jirta, kanaa fursad wanaagsan Tottenham marka la eego usoo bixitaanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Si kastaba, Tottenham ayaa waxay doonaysaa in ay tababaraheeda cusub si rasmi ah ugu dhowaaqdo dhamaadka xilli ciyaareedka.