Marcus Rashford Oo Si Lama Filaan Ah U Shaaciyey In Heshiiskii Jadon
Xiddiga xulka qaranka England ee Marcus Rashford ayaa si lama filaan ah u xaqiijiyey in Manchester United la saxeexatay Jadon Sancho oo hore loo ogaa inuu qarka u saaran yahay in Red Devils uu u wareego.
Rashford ayaa farxaddii guushii Salaasadii ay ugu gudbeen wareegga siddeedda Euro waxa uu ogolaaday inuu taageereyaasha uga jawaabo su’aalo ay ka weydiinayeen barta bulshada ee Twitter-ka, waxaana mid ka mid ah su’aaluhu ay ku saabsanayd heshiiska Manchester United iyo Jadon Sancho.
Manchester United iyo Borussia Dortmund ayaa xalay bilaabay inay si toos ah u wada hadlaan iyadoo aanay wakiillada ciyaartoygu qayb ka ahayn, isla markaana aanay jirin cid kale oo u dhaxaysa. Labada kooxood ayaa ka shaqaynayay in ay dhamaystiraan heshiiska ay kula kala wareegayaan Sancho.
Iyadoo xaal halkaas marayo, ayuu taageere bartiisa bulshada ku weydiiyey Rashford, su’aal ahayd, “Rashford, ma noo xaqiijinaysaa heshiiska Sancho”. Rashford ayaa si lama filaan ah ugu jawaabay: “Haa”.
Announce Sancho Marcus ?
— UnitedCloud??????? (@unitedcIoud) June 29, 2021
Wariyaha Talyaaniga ee Fabrizio Romano ayaa xalay xilli dambe sheegay in saacado gudahood ay Manchester United ku dhamaystiri doonto heshiiska Jadon Sancho oo la rumaysan yahay inuu ku kacayo £80 milyan oo Gini, taas oo £30 milyan oo Gini ka hoosaysa lacagtii sannadkii hore ay labada kooxood isku mari waayeen.
Jadon Sancho oo ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee Manchester United ee suuqii xagaagii hore iyo midka hadda ayaa ugu dambayn u muuqda inay Red Devils ku guuleysatay, isla markaana ay hadhsan tahay shaacintiisa oo kaliya.
Si kastaba, 20 jirkan oo ka mid ah xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ayaan wax fursad ah ka helin tababare Gareth Southgate oo ku illoobay kaydka.