Manchester United Oo Maanta Go’aan Xaasaasi Ah Ka Gaadhaysa Marcus

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa maanta go’aan xaasaasi ah ka gaadhaysa weeraryahankeeda Marcus Rashford oo ay mowqif ka wada qaadanayaan arrin ay isku khilaafsan yihiin.

Marcus Rashford ayaa qaab ciyaareedkiisii aan fiicnayn ee tartanka Euro waxa uu ku sababeeyey in uu ahaa dhaawac kasoo gaadhay garabka intii uu socday xilli ciyaareedkii hore, kaas oo sababay in ciyaartiisu hoos u dhacdo.

23 jirkan ayaa waqtigaas sheegay, in uu muruqa garabka dillaac ka gaadhay bishii November ee sannadkii hore, illaa waqtigaasna uu dhaawac ciyaaryay isagoo waliba dareemayay xanuun, waxaanu hoosta ka xariiqay in uu mari doono qalliin.

Laakiin Manchester United ayaa kaga soo horjeedday arrinta qalliinka waxaanay doonaysay in si’ kale loo maareeyo dhaawaciisa.

Maanta oo Salaasa ah ayaa ugu dambayn ay Manchester United iyo Marcus Rashford ka wada-hadlayaan dhaawaciisa, waxaanay go’aan ka gaadhi doonaan haddii lagu samaynayo qalliin iyo in laga baaqsan karayo iyagoo ka duulaya xogta dhakhaatiirta.

Sawirro laga qaaday garabka uu Rashford ka dhaawacan yahay ayaa muujiyey in aanay jirin dhibaato weyn haddii la iska daayo qalliinka, laakiin Rashford ayaa qaadan doona daawooyin xanuun baabi’iye ah sidii xilli ciyaareedkii oo kale, taasna waxa kasoo horjeeda Rashyford oo doonaya in dhaawacani kasoo afjarmo.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo Marcus Rashford ayaa kulan gaar ah yeelanaya maanta, shan maalmood ka hor inta aanu weeraryahankani kusoo laabanin tababarka kooxdiisa oo u qorshaysan inuu Axadda yimaado, waxanay go’aan wada-jir ah ka qaadan doonaan haddii uu geli doono qalliin.

Arrinta ay Man United ka cararayso ayaa ah in haddii uu Rashfrod galo qalliin, in uu seego doono qaybta hore ee xilli ciyaareedka oo bilaabmaya August 14.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More