Manchester United Oo Barbarro Gashay, Leicester & Atletico Oo Lagu

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa mar kale guul la’aan ka ah kulamada saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub, waxaanay barbarro 2-2 ah la gashay kooxda heerka labaad ee Brentford oo laba jeer ka daba timid goolal lagala hormaray.

Manchester United oo Sabtidii guul-darro 4-2 ah kala soo kulantay QPR ayaa waxay garoonkeeda Old Trafford ku qaabbishay Brentford, waxaana waqti horeba gool u dhaliyey laacibka da’da yar ee Anthony Elanga oo daqiiqaddii 12aad gool qurux badan u saxeexay, laakiin goolkaas ayaan noqnin mid sii waara. Shandon Baptiste ayaa siddeed daqiiqadood kaddib Brentford u keenay goolka barbarraha.

Labada kooxood ayaa helay fursado qaybtii hore ee ciyaarta, waxayse labaduba awoodi waayeen in ay gool u beddelaan.

United ayay qaybta hore ugu soo bilowdeen ciyaartooyo iskugu jira ruug-caddaa iyo da’yar, halka Brentford ay ahaayeen laacibiin da’yar u badan oo aan waligood ka ciyaarin horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League. Brentford ayaan waligeed ka ciyaarin horyaalka Premier League tan iyo intii uu magacan qaatay sannadkii 1992kii.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro 1-1 ah, waxaase loo arkayay in ay tahay iskululayn oo kale oo ay qaybta dambe Manchester United dardar lasoo geli doonto.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay ka go’nayd in kooxdiisu guul keento maadaama ciyaartii hore ay ceeb kasoo gaadhay ayaa waxa uu bilowgii qaybta dambe beddelay Williams, waxaanu keenay Diogo Dalot.

Shan daqiiqadood oo kaliya ayay ku qaadatay Manchester United in qaybtii dambe ay mar kale ciyaarta la hormarto oo ay gool dhaliso, waxaana daqiiqaddii 50aad hoggaanka u dhiibay laacibka reer Brazil ee amaahda kasoo laabtay ee Andreas Pereira.

Brentford ayaa mar kale soo qabatay United oo keentay goolka barbarraha, waxaana daqiiqaddii 78aad u dhaliyey Bryan Mbeumo, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay barbarro 2-2 ah.

Dhinaca kale, Tottenham Hotspur ayaa guul weyn kasoo hoysay kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaaartay Milton Keynes Dons, waxaanay ku garaacday 3-1. Heung-min Son, Dele ALli iyo Lucas Moura ayaa u kala dhaliyey goolasha.

Leeds United ayaa iyaduna la ciyaartay Blackburn Rovers, waxaanay ku kala baxeen barbarro 1-1 ah. Waxa goolka Leeds United oo waqti dambe yimid dhaliyey Pascal Struijk.

Kooxda kubadda cagta Leeds United ayaa iyaduna guul-darro loogu soo xambaariyey ciyaar ay marti u ahayd Wycombe Wanderers, waxaana lagu soo garaacay 1-0. Goolka Wycombe oo dhashay daqiiqaddii 80aad ayaa waxa u dhaliyey Daryl Horgan.

Atletico Madrid ayaa iyadana 1-0 guul-darro ah kala soo kulantay ciyaar saaxiibtinimo oo ay u tagtay FC Salzburg, waxaana goolka madiga ah ka dhaliyey Karim Adeyemi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More