Manchester City Iyo Borussia Dortmund Oo Loo

Kulanka adag ee wareegga siddeedda ee kooxaha Manchester City iyo Borussia Dortmund ayaa la xaqiijiyey garoomada lagu ciyaari doono.

Xayiraadaha dawladda Jarmalku ay kusoo rogtay safarada UK ayaa sababay in kulamadii wareeggii 16ka ee Manchester City iyo Borussia Monchengladbach lagu ciyaaro waddanka Hungary, laakiin sida ay warbaahinta Ingiriisku tabisay, waxay City heli doontaa fursad ay ku ciyaarto garoonkeeda.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa la sheegay in ay Man City ku wargelisay in garoonkeeda Etihad Stadium lagu ciyaari doono lugta hore ee wareegga siddeedda, laguna socon doono sidii uu qorshuhu ahaa.

Kulanka hore ee labada kooxood ayaa garoonka Ethad Stadium ka dhici doona marka ay taariikhdu tahay April 6, waxaanay sidaas tababare Pep Guardiola iyo kooxdiisu ku heli doonaan fursad ay garoonkooda iskugu muujiyaan.

Borussia Dortmund ayaa iyaduna garoonkeeda Signal Iduna Park ku qaabbili doonta Manchester City lix maalmood kaddib safarkeeda England.

Manchester City oo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo inay ku guuleysanayaan horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, ayaa ku hamiyeysa in ay ku guuleysato dhamaan tartamada ay xilli ciyaareedkan ka qayb-gashay, waxaanay waqti horeba jeebadda gashatay Premier League oo ay dhawr ciyaarood kaddib hanan doonto, halka Carabao Cup ay taagan yihiin finalka.

Tartanka FA Cup ayay sidoo kale u gudbeen semi-finalka oo ay la ciyaari doonaan Chelsea, halka Carabao Cup ay bisha dambe finalkiisa wada ciyaari doonaan Tottenham.

Pep Guardiola ayaa mar uu warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Borussia Dortmund ay tahay koox adag, isagoo yidhi: “Waxay kasoo gudbeen Sevilla, waxaanay ka mid yihiin kooxaha ugu xooggan tartankan. Dortmund waa koox adag.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More