Man United Oo Weeraryahan Dooratay, Afar Xiddig Oo Arsenal Laga Dirayo

Manchester United ayaa qiimaynaysa xaalada weeraryahanka kooxda Slavia Prague ee ree Senegal ee Abdallah Sima. (Manchester Night Information)

Tababarah Ajax ee Eric Ten Hag ayaa boos sarre ka galay liiska macalimiinta ay doonayso Tottenham kaddib shaacinta Bayern Munich ee Julian Nagelsmann. (Telegraph)

Goolhayaha ree Talyaani ee Gianluigi Donnarumma ayaa baaqi kusii ahaan doona AC Milan walow heshiiskiisu dhacayo xagaaga iyadoo ay saxeexiisa doonayaan Juventus, Chelsea iyo Man United. (TalkSport)

Actual Madrid ayaan samayn doonin wax dadaal ah oo weyn si ay u xoojiso sii haysashada daafaca kooxdeeda ee Raphael Varane oo Chelsea, Man United iyo PSG lala xidhiidhinayo. (AS – in Spanish)

Varane ayaa sheegay in mustaqbalkiisu cad yahay isla markaana uu diirada saarayo dhammaadka xilli ciyaareedka iyo tartanka ay u galayaan ku guuleysiga Champions League iyo La Liga. (Mirror)

Xiddiga ree Switzerland ee Xheradn Shaqiri ayaa doonaya inuu iskaga tago Liverpool xagaaga si uu wakhti ciyaareed fiican u helo. (Soccer Insider)

Everton ayaa ka shaqaynaysa kordhinta heshiiska uu kula joogo 29 sano jirka ree Colombia ee James Rodriguez. (Marca Claro)

Everton ayaa hoggaaminaysa saxeexa 18 sano jirka kooxda Metz ee Pape Matar Sarr oo ay sidoo kale doonayeen Aston Villa, Chelsea, Newcastle United iyo Man United. (Mail)

Arsenal ayaa bilawday wadahadalada ay heshiis cusub kaga saxeexanayso da’yarka ree England ee Emile Smith Rowe. (The Athletic – subscription required)

Arsenal ayaa filanaysa inay xagaaga sanadkan iska iibiso afar xiddig oo kooxdeeda ah si ay uga samayso lacagta ay suuqa ku galayso. (Soccer London)

Chelsea iyo Manchester United ayaa qiimaynaya xaalada 17 sano jirka kooxda Brighton ee Andrew Moran. (Workforce Discuss)

Barcelona ayaa ku rajo weyn in daafaca dhexe ee Man Metropolis ee Eric Garcia oo heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkani uu qaab bilaash ah ugu soo biiri doono. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Roma ayaa dooratay in tababarihii hore ee kooxaha Napoli, Chelsea iyo Juventus ee Maurizio Sarri uu noqdo tababaraheeda cusub. (Corriere dello Sport – in Italian)

Arsenal ayaa ku rajo weyn inay lacag gaadhaysa 124 Milyan oo pound ka samayso iibka xiddigaha kooxdeeda xagaaga, Lacazette, Nketiah, Bellerin iyo Guendouzi ayaa kamid ah xiddigaha la diri karo. (London Soccer)

John Stones ayaa aad ugu dhaw inuu heshiis cusub oo uu toddobaadkii 150,000 oo pound ku qaadanayo u saxeexo Manchester Metropolis. (The Solar)

Keylor Navas ayaa heshiis cusub oo gaadhsiisan ilaa 2024 ka saxeexatay goolhayaha kooxdeeda ee Keylor Navas. (PSG)

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More