Man United Oo Go’aan Ka Gaartay Ceyrinta Tababare Ole Gunnar

Manchester United ayaa go’aan ku gaartay inaysan ceyrin doonin Ole Gunnar Solskjaer ka hor kulanka ay Red Devils la ciyaareyso Everton Sabtida inkastoo ay wadahadal kula jiraan tababare Mauricio Pochettino.

Solskjaer ayaa cadaadis badan ku hoos jira iyadoo Man United ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka iyagoo laga badiyay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ay ciyaareen waxayna ku jiraan kaalinta 15aad.

Champions League ayaa aheyd meesha kaliya ay niyada ku dhisanayeen Man United ka hor habeenkii Arbacada markaasoo guuldarro lama filaan ah ka soo gaartay kooxda Istanbil Basaksehir.

Kooxda Turkiga oo ku cusub tartanka Champions League ayaa ka faa’ideysatay daafaca liita ee Man United iyagoo 2-1 ku badiyay, waana guuldaradii labaad ee isku xigta ee soo gaarta kooxda Ole Gunnar Solskjaer.

Idaacada talkSPORT ayaa sheegtay in madaxda Man United ay xiriir la sameeyeen wakiilada Pochettino iyagoo xiiseynaya inuu shaqada tababare ee Old Trafford ka bedelo Solskjaer.

Inkastoo Man United ay weli ka caga jiideyso inay ceyriso halyeeyga kooxda Solskjaer, laakiin haddii natiijooyinka xun xun ay sii socdaan waxaa lagu qasbi doonaa inay qaataan go’aan adag.

Man United ayaase haatan qaadatay go’aan ah inay u ogolaadaan 47 jirkaan inuu kooxda hogaamiyo kulanka Goodison Park ay kula ciyaarayaan Everton galabnimada Sabtida.

Kooxda ayaa dhumineysa kalsoonidii ay ku qabeen in Solskjaer uu kooxda ka dhigi doono mid u tartanta hanashada horyaalka inkastoo uu kaalinta seddexaad ku hogaamiyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Laakiin waxaa la siin doonaa fursad kale oo uu cadaadiska uga dulqaado kooxda marka ay ka horimaanayaan kooxda tababare Carlo Ancelotti ee Everton.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More