Man Metropolis Oo Mid Diraysa Laba Cajiib Ahna Keenaysa, Chelsea Iyo

Barcelona ayaa heshiis cusub oo midkii hore ka mushahar yar ka saxeexanaysa kabtanka kooxdeeda ee Lionel Messi si uu ugu fududaado heshiiska ay ku doonayaan weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland. (Eurosport)

Manchester Metropolis ayaa rajaynaysa inay suuqa xagaaga sanadkan iibiso 26 sano jirka garabka weerar ee kooxdeeda ee Raheem Sterling si ay uga samayso lacagta ay ku doonayso saxeexa Erling Haaland iyo Jack Grealish oo Aston Villa qayb ka ah. (Soccer Insider)

Barcelona ayaa dhigeeda Paris Saint-Germain xidhiidh kala samaysay suurogalnimada ay Camp Nou ugu soo celin karto 29 sano jirka garabka weerar ee Neymar. (RAC1, through Sport – in Spanish)

Chelsea ayaa Barcelona xagaaga sanadkan kula tartami doonta saxeexa khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Adrien Rabiot oo 17 Milyan oo pound lagu heli karo. (Calciomercato – in Italian)

West Ham, Aston Villa iyo Newcastle United ayaa kamid ah kooxaha xiisaha u qaba saxeexa 23 sano jirka weerarka Chelsea ee Tammy Abraham oo ay kooxdaasi aqbali doonto dalabaadka 40-ka Milyan ee pound ah ee laga soo gudbiyo. (ESPN)

Khadka dhexe ee Arsenal ee Lucas Torreira oo 25 sano jir ah ayaan xilli ciyaareed kale amaah ugu laabanayn Atletico Madrid balse bedelkeeda jeclaan lahaa inuu Boca Juniors u wareego sida uu sheegay. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Juventus ayaa weydiisan doonta tababarihii hore ee kooxdeeda ee Massimilano Allegri inuu soo laabto oo uu shaqada kala wareego Andrea Pirlo xagaaga. (Gazzetta dello Sport – in Italian, subscription required)

Mushaharka qaaliga ah ee Arturo Vidal ayaa hakiyay heshiiskii uu 33 sano jirkaasi Inter Milan kaga tagi lahaa ee uu Marseille ugu wareegayay. (Calciomercato – in Italian)

Lucas Vazquez ayaa ku dhaw inuu aqbali dalabka heshiiska cusub ee kooxdiisa Actual Madrid usoo bandhigtay walow ay Bayern Munich iyo PSG dalab ka gudbiyeen iyadoo heshiiskiisii hore xagaaga sanadkan dhacayo. (AS – in Spanish)