Man City Oo Jawaabtay Kulul Ka Bixisay Weerarkii Qaawanaa Ee
Manchester City ayaa dib isaga weerartay FC Porto islamarkaana ku hanjabtay inay cabasho rasmi ah u gudbin doonto UEFA ka dib markii ay kooxda reer Portugal weerar qaawan ku qaaday xiddigaha Man City markii ay soo dhamaatay ciyaartii Champions League ee xalay.
- Advertisement -
FC Porto ayaa warbixin ay maanta soo saartay oo lagu daabacay wargeyska Portugal ee A Bola waxaa lagu weeraray ciyaartoyda Man City ee Fernandinho iyo Bernando Silva halka sidoo kale lagu wareerary Man City koox ahaan iyo tababare Pep Guardiola.
Porto ayaa ku tilmaamtay Fernandinho xiddig aan garasho laheyn, halka ay sheegeen in Bernando Silva uu yahay cunsuri lawada garanayo ka dib sawirkii lagu ganaaxay ee uu ka soo dhigay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mendy.
Waxay sidoo kale sheegeen in Man City iyo Guardiola inuu nasiibka ka batay madaama uu garsooraha dhankooda u janjeeray kulankii xalay iyo weliba kii Etihad ka dhacay.
Afhayeen u hadlay Man City ayaa yiri: “Tani ma ahan markii ugu horeysay ee ay FC Porto u dhaqanto sidaan oo kale.
“Waqtigaan waxay si bareer ah u bartilmaameedsadeen qaar ka mid ah ciyaartoydeena iyo tababaraheena, waana wax aan diidnay.
“Sannadkii 2012 oo aheyd sannadkii ugu danbeeyay ee aan la ciyaarnay iyaga, kooxda waxay ku dhaqaaqda inay beeniso cunsurinimo cad oo ay taageerayaashooda ku kaceen taasoo la baaray laguna ganaaxay.
“Markaana, qeyladooda ugu danbeysa waa mid iyadana la yaab leh oo laga niyadjabo.”