Man City Iyo Liverpool Oo Barbarro Ku Heshiiyey, Kevin de

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lumisay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay barbarro 1-1 ah wada galeen Manchester City oo ay ku wada ciyaareen garoonka Etihad Stadium.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League u degtay, waxaana ka hor martay Leicester City oo hal dhibic ka sarraysa iyo Tottenham oo farqiga goolasha kaga haysa booska labaad.

Liverpool ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 11aad, waxaana rikoodhe u dhaliyey Mohamed Salah kaddib markii ay difaaca Manchester City qalad ku galeen weeraryahanka reer Senegal ee Sadio Mane.

Manchester City ayaa uu goolka barbarraha u dhaliyey weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo lugta geliyey kubbad uu soo tuuray Kevin de Bruyne oo uu uga hormaray Alexander-Arnold.

Kooxda garoonkeeda joogtay ee Manchester City ayaa iska khasaarisay fursad ay saddexda dhibcood ee ciyaartan ku qaadan lahayd, waxaana rikoodhe ka lumiyey Kevin de Bruyen qaybtii hore oo dhamaad ku dhow.

Barbarrahan ayaa Manchester City sabab ugu noqday inay ku fadhido kaalinta 11aad ee horyaalka, waxaanay haysataa 10 dhibcood oo ay ka heshay toddoba ciyaarood oo ay dheeshay, halka Liverpool ay 17 dhibcood ku fadhido booska saddexaad.

Shaxdii labada kooxood

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Joe Gomez, Andrew Robertson; Jordan Henderson (captain), Georginio Wijnaldum, Diogo Jota; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Adrian, Nathaniel Phillips, James Milner, Naby Keita, Curtis Jones, Xherdan Shaqiri, Divock Origi.

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Ruben Dias, Aymeric Laporte, Joao Cancelo; Rodrigo, Ilkay Gundogan, Kevin De Bruyne (captain); Ferran Torres, Gabriel Jesus, Raheem Sterling.

Kaydka: Zack Steffen, John Stones, Nathan Ake, Eric Garcia, Oleksandr Zinchenko, Phil Foden, Bernardo Silva.

Pep Guardiola ayaa shan isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Olympiakos badhtamihii usbuucii hore ee guusha soo hooyey. Gabriel Jesus oo kasoo laabtay dhaawac ayaa kusoo bilowday safka hore, halka Rodrigo uu beddelay Phil Foden oo khadka dhexe joogay kulankaas. Difaaca ayay saddexda ciyaartoy ee Ruben Diaz, Aymeric Laporte iyo Cancelo kusoo wada bilowdeen iyadoo ay kulankii hore soo wada nasteen.

Jurgen Klopp ayaa isaguna laba beddel oo kaliya ku sameeyey shaxdii guusha weyn uu kaga soo gaadhay Atalanta badhtamihii usbuucii hore, waxaanu difaaca kusoo bilaabay Joel Matip oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan safanin kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Everton. Roberto Firmino oo soo nastay ayaa sidoo kale afka hore kula soo bilowday Salah, Mane iyo Jota oo saddexlay saxeexay kulankii Champions League.

Liverpool oo dhibaato dhinaca difaaca ah haysatay ayuu tababare Klopp isku dayayey inuu maaro u helo goolasha tirada badan ee laga dhalinayo xilli ciyaareedkan oo shabaqooda ay taabteen 15 gool toddobadii ciyaarood ee ugu horreysay, taas oo ah rikoodhkii ugu sarreeyey ee goolal ah ee laga dhaliyo tan iyo xili ciyaareedkii 1964-65.

Manchester City ayaa dardar ku bilaabatay ciyaarta, waxaanay isku dayday inay khadka dhexe gacanta ku dhigto iyagoo adeegsanayay baasas dhaadheer oo ay dhinacyada weerarka u tuurayeen. Liverpool ayaa iyaduna cidhiidhi soo saaraysay, iyagoo yaraynayay meelaha bannaan ee fagaakaga lagaga heli karayay.

RIKOODHE!! Daqiiqaddii 11aad ee ciyaarta ayaa rikoodhe loo dhigay Liverpool kaddib markii Walker uu qalad ku galay Sadio Mane oo kubbad lasoo galay xerada ganaaxa. Garsooraha ayaan ka maagin inuu markiiba si toos ah u tilmaamo rikoodhe aanay VAR waxba ka beddelin.

GOOOOOOAAAAAAAAAAALLLLLLLLLL!!! Man City 0-1 Liverpool – Mohamed Salah ayaa hoggaanka u dhiibay Liverpool, waxaana uu koornaha midig ka dhigay Ederson kubabadda.

Mohamed Salah oo Liverpool yimid sannadkii 2017 oo uga soo wareegay Roma ayuu goolkiisani ahaa midkii 81aad ee uu Liverpool u dhaLIYO 116 kulan oo horyaalka Premier League ah oo uu u saftay, waxaanu ugu yaraan sagaal gool ka badan dhamaan ciyaartoyda kale ee horyaalka marka lasoo tiriyo goolashii la dhaliyey intii ka dambaysay waqtigaas.

Manchester City ayaa goolka kaddib si buuxda ciyaarta maamulkeeda ula wareegtay, waxanay gacanta ku dhigeen khadka dhexe oo ay kaga itaal roonaadeen Jordan Henderson iyo Wijnaldum.

GOOAAAAALLLL!! Man City 1-1 Liverpool – Gabriel Jesus ayaa goolka barbarraha u dhaliyey Man City, waxaana kubbad uu difaaca dhexdeeda ugu soo tuuray De Bruyne uu kaga lug horreeyey Alexander-Arnold, iyadoo ka hoos baxday goolhaye Alisson.

Manchester City ayaa sii wadatay inay u xoog sheegato Liverpool, waxaana ay kubbad keeneen xereada ganaaxa, balse ciyaartoyda City, waxaana kubaddaas gacanta ay kaga dhacday Gomez.

Garsoore Pawson ayaa tilmaamay in kubaddu ay rikoodhe tahay iyadoo ciyaartoyda City na ay dalbanayeen inay xaq u heleen rikoodhaha. VAR oo laga soo hubiyey ayaa garsoore Pawson uu kusii go’aan qaatay, waxaana la dhigay rikoodhe.

KHASAAREEE!! Kevin de Bruyen oo rikoodhaha laagtay khasaariyey, waxaanu garab mariyey birta iyadoo uu goolhaye Alisson dhinaca qaldan isku tuuray. De Bruyne ayay ugu dambaysay inuu rikoodhe lumiyo October 2018.

1 – Kevin De Bruyne’s penalty is the first to miss the target completely in a @premierleague game since October 2018, when in the same fixture at Anfield, Riyad Mahrez blazed over against Liverpool for Manchester City. Spooky. #MCILIV pic.twitter.com/OesSCn9NSk

— OptaJoe (@OptaJoe) November 8, 2020

Ederson ayaa ku guntaday Manchester City daqiiqadihii ugu dameebeyey dhamaadka qaybta hore, kaddib markii uu Sadio Mane kubbad keenay xerada ganaaxa dhexdeeda, taas oo uu lugta u saaray Mohamed Salah oo isaguna usii dhiibay Alexander-Arnold oo laag awood badan ku toogtay goolka oo masaafo dhow u jiray. Kubadda ayaa ka hoos baxday Ederson balse intii aanay laynka gaadhin ayuu haddana soo qabsaday. Waxay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-1.

Qaybtii labaad ayaa ku bilaabatay qaab ka duwan sidii hore, waxaana awood xad-dhaaf ah lasoo laabatay Liverpool oo maamulka ciyaarta la wareegtay.

Kevin de Bruyne ayaa u baahday in daaweyn loo sameeyo markii uu Joel Matip taakal adag ku qabtay, balse waxa uu awood u yeeshay inuu si caadi ah usii wadan karo ciyaaarta.

Jurgen Klopp ayaa sameeyey beddelkii ugu horreeyey ee ciyaarta, si uu ciyaarta u dheelli-tiro, waxaanu saaray Roberto Firmino maadaama uu booskiisa haystay Diogo Jota oo ay muuqatay inuu ka firfircoonaa. Inyar kaddib waxa haddana uu dhaawac soo gaadhay Alexander-Arnold oo muruqa lugta midig wax ka noqday, waxaana booskiisa yimid James Milner.

Ruug-caddaaga 34 jirka ah ee James Milner ayaa khibrad kusoo kordhiyey kooxdiisa, waxaanay u ahayd ciyaartii 750aad ee uu saftay intii uu garoomada ku jiray, waxaana 550 ka mid ah ay yihiin Premier League, iyadoo uu tiradana buuxistay kulankan.

Sadio Mane ayaa cidhib meel fog ah usoo dhiibay Mohamed Salah oo ay is eryanayeen Cancelo, waxaanay isla galeen xerada ganaaxa laakiin difaaca reer Portugal ayaa hirdankoodii ku awood badnaaday inkasta oo uu ku dagaallamay isagoo dhulka jiifa.

Raheem Sterling ayaa kaga jawaabay inuu kubbad la galay xerada ganaaxa Liverpool, waxaase cidhiidhiyey difaacyahannada Liverpool ka hor intii aanu Alisson kubadda ka hor qabsanin.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta ayaa ahaa kuwo ay ciyaarta maamulanaysay Manchester City oo ay ciyaartoyda Liverpool u muuqdeen inay daaleen, isla markaana ay dhibaato ku tahay inay cidhiidhin iyo kubbad boobis ba sameeyaan.

Daqiiqaddii 91aad ayay kubbad halis badan Manchester City ku tuurtay xerada ganaaxa ee Liverpool, waxaase soo boobay oo badbaadiyey Alisson.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ay dhibcaha ku wadaageen labada kooxood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More