Magacyada TOBAN Ciyaartoy Oo Ka Tegaya Manchester United Xagaagan
Manchester United ayaa isbeddel badan uu ku dhici doonaa marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, sida ay sheegayaan warbaahinta Ingiriisku, waxaana ka tegi doona illaa toban ciyaartoy oo ay ku jiraan xiddigo waaweyn.
- Advertisement -
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka shaqaynaya in kooxda uu dibu-dhis ku sameeyo xagaagan, si ay ula loollami karto Manchester Metropolis iyo naadiyada kale ee horyaalka kula tartamaya.
Intii uu Ole Gunnar Solskjaer joogay Manchester United, waxa kooxda ka tegay ciyaartooyo waaweyn sida Romelu Lukaku iyo Ander Herrera, laakiin intaas oo kaliya kuma ekaanayaan ee liiska ayaa sii dheeraan doona xagaagan.
Wargeyska Every day Mirror ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa shaaciyey magacyada toban ciyaartoy oo Previous Trafford ka tegi doona xagaagan, waxaana ugu horreeye xiddiga reer France ee Paul Pogba.
Laacibkan oo United ay sannadkii 2016 kula soo wareegtay £89 milyan oo Gini oo ay siisay Juventus, waxa qandaraaskiisa Previous Trafford ka hadhay sannad ay kooxdu dhowaan kardhisay, waxaana ay hadda ka walaacsan yihiin in uu si bilaash ah kaga tago marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.
Kooxo ay ka mid yihiin Juventus iyo Actual Madrid ayaa lala xidhiidhinayaa, waxaana ay United doonaysaa in ay iibiso ka hor inta aanu si bilaash ah kaga tegin sannad kaddib.
Waxa kale oo liiskan ku jira goolhayaha reer Spain ee David de Gea oo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu geliyey kaydka, kana door-biday Dean Henderson.
Dea Gea oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Manchester United ayaa la filayaa in cimrigiisa Previous Trafford uu kusoo dhamaado xilli ciyaareedkan dhamaadkiisa maalmaha kooban ka hadhsan yihiin.
Siddeedda ciyaartoy ee kale ayaa kala ah: Brandon Williams, Juan Mata, Nemanja Matic, Jesse Lingard oo amaah ugu maqan West Ham, Andreas Pereira oo amaah ku jooga Lazio, Diogo Dalot oo AC Milan ku qaadanaya xilli ciyaareed amaah ah iyo labada goolhaye ee Sergio Ramero iyo Lee Grant.